Sawirro+Warbixin: 12 Tuulo oo ay ka mid tahay Faanoole oo gurmad la gaarsiiyay.

Monday June 04, 2018 - 21:14:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Warbixin: 12 Tuulo oo ay ka mid tahay Faanoole oo gurmad la gaarsiiyay.

    Kadib Curashada roobka guga ee sida wanaagsan uga curtday guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa wabiga jubba oo ah kan ugu biyo badan uu bilaabay inuu kusoo fataho deegaanada dadka muslimiinta ay dagan yihiin ee wilaayada Jubbooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib Curashada roobka guga ee sida wanaagsan uga curtday guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa wabiga jubba oo ah kan ugu biyo badan uu bilaabay inuu kusoo fataho deegaanada dadka muslimiinta ay dagan yihiin ee wilaayada Jubbooyinka.



Qoysas badan ayaa ka barakacay tuulooyinkoodii kuna nooltaagaga iyo iyagoo aan haysan waxey cunaan isla markana ay caqabadda kale ee haysatay ay ahayd in xayawaankii oo naf lacaari ah uu isagana halkii ay jooggeen uu nafta ula soo cararay.

Iyadoo sidaas ay jirto ayaa gudigii gurmadka wilaayada jubbooyinka iyo jimciyadda Al-Ixsaan Alkheyriya oo is kaashanaya waxay labadii maalin ee lasoo dhaafaygaareen 12 tuulo oo dadkii ku noola la gaarsiyay raashin isugu jira bariis, sonkor, saliid iyo maro kaneeco, waxaana intaasi sii dheeraa baaritaan caafimad iyo dawo qaybin ay sameeyeen dhakhaatiirta Jimciyadda Al Ixsaan.



Guud ahaan qoysaska labadi maalin ee ugu dambeeyay raashin iyo daawo qaybinta loo sameeyay ayaa gaaraya 840 qoys, kuwaas oo gurmadka loogu geeyay halkii ay ku sugnaayeen, waxaana tuulooyinkaas ka mid ah. 1-Faanoole. 2-Kaytooy. 3-Tanzaniya. 4-Jeerow. 5-Baraako. 6-Faarax. 7-Buulo-Tugeer. 8-Danow. 9-Mushaani. 10-Nasiib Yaasiin. 11-Buulo-Mayoonde iyo Jafaaley.

Qaar ka mid ah dadkii Muslimiinta ahaa ee gurmadka loo fidiyay ayaa u waramay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus.

Wilaayaatka islaamiga ah ee ay saamaynta ku yeesheen fatahaadaha wabiyada iyo daadadka ka dhashay roobabka ayaa waxa ka socoda gurmadka loo sameeynaayo dadkii ay dhibaatadu kazoo gaartay, waxaana jira dadaallo ay gudiyada gurmad iyo Jamciyada Al-Ixsaan oo is kaashanaya ay kawadaan deegaanadaas .

Daadow sawirrada:



















Related Items