Al Shabaab Oo Askar Ku Gowracday Duleedka Degmada Buula Burde Ee Gobolka Hiiraan.

Monday June 04, 2018 - 21:59:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Askar Ku Gowracday Duleedka Degmada Buula Burde Ee Gobolka Hiiraan.

    Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Buula Burde waxay kusoo qabteen askar katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Buula Burde waxay kusoo qabteen askar katirsan dowladda Federaalka.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen laba askari xalay saqdii dhexe kadib markii ay xoog ku galeen guri kuyaal Buula Burde.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Meydadka askarta oo la gowracay maanta duhurkii lagu arkay tuulo dhanka waqooyi uga beegan magaalaa Buula Burde.

Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa xaqiijisay in askar lagusoo qabtay howlgal ka dhacay Buula Burde kadibna lagu gowracay deegaan katirsan Hiiraan.


Jimcihii lasoo dhaafay dagaal xooggan oo ka dhacay degmada Moqkori ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 72 askari iyadoona Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen sedax gaari.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items