Mujaahidiinta Oo Weeraro Ku Qaaday Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Magaalada Baardheere.

Tuesday June 05, 2018 - 05:59:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahidiinta Oo Weeraro Ku Qaaday Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Magaalada Baardheere.

    Jabaqda Rasaasta iyo Jugta madaafiicda ayaa xalay marqura isqabsatay gudaha magaalada Baardheere iyo Hareeraheeda kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weeraro safballaaran ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabaqda Rasaasta iyo Jugta madaafiicda ayaa xalay marqura isqabsatay gudaha magaalada Baardheere iyo Hareeraheeda kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weeraro safballaaran ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Itoobiya.


Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada  Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere waxaana jira khasaara lixaad leh oo ka dhashay dagaallada oo socday muddo saacada ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ka bilaawdeen gudaha iyo hareeraha magaalada wuxuuna dagaalku kusii fiday dhowr xaafadood oo ay ku suganyihiin maleeshiyaad katirsan maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay.


Ciidamada Al Shabaab ayay usuurtagashay in ay la wareegaan saldhig melleteri oo maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ku lahaayeen agagaarka Buundada, ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa madaafiic ku garaacay dhowr xaafadood oo Baardheere katirsan.

Tan iyo Bilashii Bisha Ramadaan ayay sii kordhayeen weerarada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadayso saldhigyada ciidamada shisheeye iyo Maleeshiyaadka DF-ka uga suganyihiin magaalooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items