Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaadday Deegaanka Tuurka Cali Janaale Ee Duleedka Muqdisho.

Tuesday June 05, 2018 - 07:50:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaadday Deegaanka Tuurka Cali Janaale Ee Duleedka Muqdisho.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa markale ka dhacay deegaanno ka dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa markale ka dhacay deegaanno ka dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.



Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday saldhig ay maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin inta u dhaxaysa degmooyinka Kaxda iyo Dharkeynleey.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay deegaanka Tuurka Cali Janaale waxaana lagu qaaday goob saldhig ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka PS-ta dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa xaqiijisay in xaqiijisay in 'ciidamada Mujaahidiintu' ay cagta mariyeen saldhig kuyaal deegaanka Tuurka Cali Janaale.



Dhinaca kale saldhigyada ciidamada AMISOM ee degmooyinka Qoryooleey iyo Baraawe ayaa markale xalay la kulmay weeraro xooggan oo uga yimid dhanka Al Shabaab.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarada ka dhacay duleedka Muqdisho iyo degmooyin katirsan gobolka Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items