Bishaar Al-Asad Oo lakulmaya Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya.

Tuesday June 05, 2018 - 05:57:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bishaar Al-Asad Oo lakulmaya Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya.

    Hoggaamiyaha dhiigya cabka ah ee wadanka suuriya ayaa lafilayaa in dhowaan uu booqasho ku tago wadanka waqooyiga kuuriya ee dhaca qaaradda aasiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dhiigya cabka ah ee wadanka suuriya ayaa lafilayaa in dhowaan uu booqasho ku tago wadanka waqooyiga kuuriya ee dhaca qaaradda aasiya.



War rasmi ah oo kasoo baxay nidaamka shuuciga waqooyiga kuuriya ayaa lagu sheegay in Bishaar al-asad uu booqan doono magaalada Pyongyang ee caasimadda u ah kuuriyada waqooyi.


Wakaaladda wararka ufaafisa kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in safiir cusub ay udireen magaalada dimishiq kaasi oo farriin ka timid Kim Jong-un gaarsiiyay al-asad.

Waqooyiga kuuriya waxay sheegaysaa in bishaar uu aqbalay socdaal rasmi ah oo uu ku tago Pyongyang si uu halkaas ugulasoo kulmo Kim Jong-un.



Nidaamka dabadhilifka Nuseyriga Suuriya ayaa isna xaqiijiyay in farriin ay uga timid dhanka waqooyiga kuuriya islamarkaana uu aqbalay "caalamku wuxuu soo dhaweynayaa is fahamka kajira jaziirad u ekaha kuuriya oo uu qaaday siyaasiga ruug cadaaga ah ee Kim Jong-un,"ayuu yiri bishaar al-asad wuxuu warkisa sii raaciyay "waxaan yaqiinsanahay in uu xaqiijin doono guul uuna dib usoo celin doono midnimadii kuuriya".

hoggaamiyaha nidaamka Suuriya ayaa ammaan kala duldhacay madaxweynaha shuuciyadda Kuuriya.

lama oga in socdaalka bishaar al-asad ee waqooyiga kuuriya uu dhici doono ka hor kulanka lawada sugayo ee dhaxmari doono Trump iyo Kim Jong-un.

warbixin horay ugasoo baxday waxa loogu yeero Q.midoobe ayaa ku eedeeyay nidaamka suuriya in hubka kiimikada ee uu dadkiisa ku xasuuqayo ka helay dhanka waqooyiga Kuuriya.

Shixnado hub kiimiko ah oo Pyongyang ka yimid ayaa larumeysanyahay in Suuriya lageeyay wixii ka dambeeyay sanaddii 2011 xilligaas oo kacdoon shacbi uu ka bilaawday wadanka suuriya, nidaamka dhiigya cabka bishaar al-asad madaxda ka yahay ayaa hubka kiimikada ku xasuuqay boqolaal kun shacab muslimiin ah.

Related Items