Faah Faahin: 9 Askari iyo Taliye Ku Xigeenkii Booliska Baardheere Oo Lagu Dilay Dagaalkii Cuslaa Ee Xalay.

Tuesday June 05, 2018 - 16:37:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: 9 Askari iyo Taliye Ku Xigeenkii Booliska Baardheere Oo Lagu Dilay Dagaalkii Cuslaa Ee Xalay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay illaa iyo saaka ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo Koonfut galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay illaa iyo saaka ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo Koonfut galbeed dalka Soomaaliya.


Dagaalka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weeraro safballaaran ah ku qaadeen saldhigyadada ciidamada Itoobiya iyo saldhig ay maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ay uga sugnaayeen agagaarka Buundada Baardheere.

Ugu yaraan 9 askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalkii xalay waxaana dadka ladilay kamid ah Taliye ku xigeenkii Booliska Baardheere Ninka lagu magacaabo Col.Saalax Dhunkaay iyo sarkaal kale oo magaciisa lagusoo gaabiyay Caraboow oo ahaa taliyaha saldhigga Buundada.


Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawac garaab ah uu soo gaaray Col.Gallad oo kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa ciidamada melleteriga ee ka howlgala Baardheere sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo laga helay gobolka Gedo.

Cutubyo katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa maanta barqadii gudaha usoo galay magaalada waxayna baaritaanno ka sameeyeen goobihii xalay lagu dagaallamay, mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' oo warbaahinta lahadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, Xaaladda magaalada ayaa hadda ah mid deggan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items