Mareykanka Oo Dhimaya Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya [Warbixin].

Wednesday June 06, 2018 - 06:09:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Dhimaya Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya [Warbixin].

    Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay dhimis ku sameyso ciidamada kummaandooska ee ka howlgala wadamada dhaca qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay dhimis ku sameyso ciidamada kummaandooska ee ka howlgala wadamada dhaca qaaradda Afrika.

Warbixin ay faafiyeen wargeysyada ugu caansan mareykanka ayaa sheegaysa in ladhimi ciidamada kumaandooska ee dagaallada uga jira wadamo ay kamid yihiin Liibiya,Soomaaliya iyo Niger balse dhimistan ayaa saameyn doonta dhammaan ciidamada Americanka ah ee ku sugan qaaradda Afrika.

Saraakiil katirsan Pentagonka Mareykanka ayaa wargeyska New York Times u sheegay in James Mattis wasiirka difaaca iyo Jeneraal iyo Gen. Joseph F. Dunford Jr oo ah taliyaha dhexe ee ciidamada Mareykanka ay isla garteen dhimistan lagu sameynayo ciidamada kummaandooska.

Mas'uuliyiinta wasiiradda difaaca Mareykanka ayaa ka walwalsan howlgallada ay ciidamada kummaandooska ka wadaan afrika oo bilihii lasoo dhaafay gaabis laga dareemayay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhimista lagu sameeyay taliska AFRICOM ay noqonayso middii ugu ballaarneed muddo sedax sanadood ah.
Arrintan ayaa loo sababeynayaa culeysyo Mareykanku kala kulmayo wadamada shiinaha,waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka oo ay ku xifaaltamayaan wadamo dhaca qaaradda Asia.

illaa 500 oo saraakiil American ah ayaa ku sugan Soomaaliya waxayna ciidamada gummeysiga Itoobiya iyo AMISOM ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab waxaana lafilayaa in ciidamadaas dhimis lagu sameeyo sida ay sheegayaan saraakiisha wasaaradda difaaca.

Ciidamo gaaraya 7300 american ah ayaa ku kala firarsan Afrika waxayna wajahayaan taxadiyaad dhowr ah, howlgallo fashilmay oo askar looga dilay ayey ciidamadan ka fuliyeen wadamada Yemen iyo Soomaaliya.

Tani ayaa imaanaysa xilli ciidamada americanka ah xasuuq dad badan shacab ah lagu duliyay ay ka geysteen dalka soomaaliya, Donald Trump hoggaamiyaha cunsuriga mareykanka ayaa markii uu xilla qabtay wuxuu qaadayay tallaabooyin qar iska xoornimo ah oo ka dhan ah muslimiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items