Boqorka Urdun Oo Quus Ka Muujiyay in Dowladdiisu ka Gudubto Marxaladda Adag Ee Ay Mareyso.

Wednesday June 06, 2018 - 06:17:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Urdun Oo Quus Ka Muujiyay in Dowladdiisu ka Gudubto Marxaladda Adag Ee Ay Mareyso.

    Xaalad adag ayaa wali kajirta wadanka Urdun oo uu ka socdo kacdoon shacbi kaas oo lagu doonayo in looga takhaluso nidaamka dhaqaale oo ay ku dhaqanto xukuumadda wadankaasi kajirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad adag ayaa wali kajirta wadanka Urdun oo uu ka socdo kacdoon shacbi kaas oo lagu doonayo in looga takhaluso nidaamka dhaqaale oo ay ku dhaqanto xukuumadda wadankaasi kajirta.



inkastoo ay iscasishay xukuumaddii uu hoggaaminayay R/wasaare Haani almulqi lanasoo magacaabay R/wasaare cusub hadane waxaa wali sii socda dibad baxyada ay dhigayaan shacabka wadanka urdun.

hoggaamiyaasha dadka kacdoonka wada ayaa warbaahinta u sheegay in ay sii socan doonaan iskusoo baxyada inta laga taqalusayo nidaanka canshuuraha ee baarlamaanka la horgeeyay.

arrinta cusub ayaa ah hoggaamiyaha dabadhilifka wadankaas uu 48 saacadood gudahood uu jeediyay khudbado iskasoo horjeedo oo dhammaantood uu uga hadlayo xaaladd cakiran ee wadanka kajirta.



Ugu horrayn wuxuu wuxuu khudbaddiisa uga hadlay dibad baxyada iyo waxa sababay isagoo kulan kula yeelanayay magaalada cammaan madaxda tifaftirayaasha warbaahinta iyo saxafiyiin kale ayuu xaqiijiyay in waxa Urdun ka socda ay yihiin laba arrimood oo isbiirsaday kuwaas oo kala ah dhibaatada dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadaha isdiidan ee kajira mandiqadda Bariga dhexe oo saameyn kuyeelatay arrimaha maamulka wadanka.

"Urdun wuxuu wajahayaa duruuf dhaqaale iyo duruufo goboleed oo aan horay loo filayn mana heynno wax qorshe ah oo aan ku awoodno in aan kula tacaamulno caqabadaha nagu hor gudban" ayuu yiri hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka Urdun.

wuxuu sheegay in dhibaatada dhaqaale ee wadankiisa ku habsatay ay aheyd mid sanado soo jiitameysay islamarkaana ay sameeyeen wax walba laakin ay kafursan waayeen soo rogidda nidaamka canshuuraha adag sidaas oo ay tahayna ay qorsheynayso in lalaalo waxa kacdoonka ku abuuray shacabka.

khudbad labaad oo uu ka jeediyay telefeshinka afka dowladda ku hadla ayuu ku muujiyay quus ah in laxalliyo dhibaatada wadanka kajirta isagoo ugu baaqay dhammaan axzaabta siyaasadda in ay gacan ka geystaan sidii loo dajin lahaa shacabka kacdoonka wada isagoo qiray in nolol adag ay ka wajayaan malaayiin qof "urdun maanta waxay taagantahay laba waddo midkood waa in aan ka baxno dhibaatada shacabkeenuna ku noolaadaan nolol wanaagsan ama waa in aan galno alle maqadaree waddo aan la aqoonin laakin waxaa waajib ah in aan isweydiinno halkeen aadeynaa" ayuu markale ku hadaaqay hoggaamiyaha Urdun oo umuuqday in uu walaac ka muujinayo in wadanku cagta saaro wax lamid ah dhabbihii suuriya oo kale.

wuxuu sheegay in hoos udhac ballaaran uu ku yimid kaalmooyinkii dowladdiisu ka heli jirtay dibadda sida lacago malaayiin dollar ah oo mareykanku ku taageeri jiray sirdoonka ashahadda ladirirka ah iyo dhaqaale kale oo dowladaha aala sacuud iyo imaaraatka ay siin jireen.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in mareykanku uu dhimmay qarashkii uu ku bixin jiray ciidanka Urdun taasna ay sababtay in xukuumadda cammaan ay canshuur dheeri ah soo rogto,sidoo kale sacuudiga iyo imaaraatka ayaa iyana jaray lacagihii ay ku kabi jireen dhaqaalaha Urdun sababa laxiriira iyadoo meel dhaxe iska taagtay khilaafka khaliijka ka taagan oo aan xiriirka ujarin dowladda Qadar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items