Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaannada Baarlamaanka DF-ka Oo Wadajir Lagu Dilay.

Wednesday June 06, 2018 - 06:29:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaannada Baarlamaanka DF-ka Oo Wadajir Lagu Dilay.

    Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah xoogag hubeysan ayaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay ganacsade caan ah balse ahaa siyaasi wada shaqeyn laleh dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore mid kamida odayaashii soo xulay xildhibaanada oo Muqdisho lagu dilay/ Alkataib
Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah xoogag hubeysan ayaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay ganacsade caan ah balse ahaa siyaasi wada shaqeyn laleh dowladda Federaalka Soomaaliya.

Rag Bostoolado ku hubeysan oo loo maleynayo in ay katirsan yihiin Xarakada Al Shabaab ayaa dilay Macalin Daahir Cali Tifow oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee magaalada Jowhar uga qeyb galay soo xulidda xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee lagasoo doortay dhanka maamulka 'Hirshabelle',

Xoogaga dilay Macallin Daahir ayaa si naba gelya ah goobta uga baxsaday, Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fulisay dilal ay ku ugaarsaneyso odayaashii dhaqanka iyo Ergadii ka qeyb qaadatay soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka ee dhanka maamul goboleedyada ka yimid.


Video dhowaan ay soo saartay mu'asasada Alkata'ib ayaa lagusoo bandhigay dilal wadareedyo ka dhan ah Odayaashii xildhibaannada soo xulay iyo saraakiil sirdoon.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items