Shirkii Farmaajo iyo Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada Uga Socday Baydhabo Oo lasoo Gaba Gabeeyay.

Wednesday June 06, 2018 - 12:06:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Farmaajo iyo Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada Uga Socday Baydhabo Oo lasoo Gaba Gabeeyay.

    Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa lagusoo gaba gabeeyay shir ay isugu yimideen Hoggaamiyaasha dabadhilifyada Soomaalida ee la shaqeyeea shisheeyaha dalka kusoo duulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa lagusoo gaba gabeeyay shir ay isugu yimideen Hoggaamiyaasha dabadhilifyada Soomaalida ee la shaqeyeea shisheeyaha dalka kusoo duulay.

Shirka oo dhowr maalmood ka socday madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed waxaa goob joog ahaa Jeneraal Gabre oo dowladda Itoobiya ka socday iyo saraakiil caddaan ah.

Max'med Cabdullaahi Farmaajo iyo shanta madaxweyne ee maamul goboleedyada ayaa shirka isugu yimid waxaana lagu gorfeynayay sida laga yeelayo arrimaha ay isku khilaafsanyihiin oo ay ugu muhiimsanyihiin Dastuurka iyo dhaqaalaha.

Bayaan gaba gabadii kulanka soo baxay ayaa umuuqday mid aan waxbadan ka duweynayn bayaannadii hore marka loo eego nuxurka qodobada ku xusan iyo hab raaciisa.


Hoggaamiyaasha dabadhilifyada ayaa sidoo kale sheegay in ay isku raaceen qabsoomidda doorashooyinka qof iyo cod iyo in lamideeyo ciidamada maamul goboleedyada iyo kuwa DF-ka.

Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa ilaalinayay ammaanka goobta shirku ka socday, saraakiil caddaan ah oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in uu jiro walaac ah beesha caalamka ka qabto in la waayo ciidamo Soomaali ah oo bedelo AMISOM marka ay dalka isaga baxdo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items