Ciidamada Al Shabaab Oo Saacado Kooban la Wareegay Degmada Ceel Waaq.

Wednesday June 06, 2018 - 07:21:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Saacado Kooban la Wareegay Degmada Ceel Waaq.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal kooban kadib ay ciidamada Al Shabaab la wareegeen gacan ku heynta magaalo kaabiga ku heysa xadbeenaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal kooban kadib ay ciidamada Al Shabaab la wareegeen gacan ku heynta magaalo kaabiga ku heysa xadbeenaadka.


Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shababaab ayaa gudaha ugalay magaalada Ceelwaaq kadib dagaal kooban oo ay lagaleen maleeshiyaad dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ay qabsadeen saldhig melleteri oo ay isaga carareen maleeshiyaadka dowladda Federaalka iyo xarumaha maamulka degmada.

Xalay fiidkii ayay saraakiil katirsan 'Mujaahidiinta' waxay Masaajidda ka jeediyeen muxaadarooyin diini ah iyagoona shacabka ugu baaqay in aysan wax wada shaqeyn ah layeelan ciidanka gummeysiga Kenya iyo Maleeshiyaadka DF-ka.


Sarkaal ka tirsan Al Shabaab ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamadooda ay si buuxda ula wareegeen degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo, tan iyo bilashadii bisha Ramadaan ayay mujaahidiintu sare uqaadeen howlgallada jihaadiga ah oo ay ka wadaan gobollo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items