Ciidamo Mareykan iyo Soomaali Ah Oo lagu Weeraray Duleedka Magaalada Kismaayo.

Wednesday June 06, 2018 - 14:28:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mareykan iyo Soomaali Ah Oo lagu Weeraray Duleedka Magaalada Kismaayo.

    Ciidamadan isugu jira Mareykanka iyo maleeshiyaadka Bangarafta Soomaalida ah ee Mareykanku uu tababaray ayaa kasoo baxay magaalada kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadan isugu jira Mareykanka iyo maleeshiyaadka Bangarafta Soomaalida ah ee Mareykanku uu tababaray ayaa kasoo baxay magaalada kismaayo.



Waxaana ay ugu dambeyntii soo gaareen tuulo lagu magacaabo Baarka oo u dhaxeysa buulo gaduud iyo sanguuni halkaasi oo shalay ay dagaallo ku qabsadeen.

Dhowr weerar ayay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen ciidamadaas huwanta ah ee mareykanka uu hor boodaayo intii ay ku sugnayeen tuulada baarka iyagoo awoodi waayay inay hore u soo dhaqaaqan.

Ciidamada  wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa dhowr jeer sidaan oo kale dagaal kala hor tegay cadawga duullaanka ku ah dhulka shareeecada islaamka lagu maamulo ee wilaayada islaamiga ee jubbooyinka



Maleeshiyaadka dabadhilifyada  bangaraafta ayaa bilaabay inay dhibaato u geystaan  Dadka raabka ah ee saaran gaadiidka isaga kala goosha Baydhabo iyo magaalada Muqdisho.

Weerarada looga hor tagayo ciidamada Huwanta ah iyo Maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ayaa inta badan ka dhaca deegaannada ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta Juubada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items