Ciidamada Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Saldhig Melleteri Oo Kuyaal Deegaanka Daynuunaay.

Thursday June 07, 2018 - 06:09:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Saldhig Melleteri Oo Kuyaal Deegaanka Daynuunaay.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaan ku dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaan ku dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay



Wararka ka imaanaya Bay ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka aroortii ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 19 KM ujira magaalada Baydhabo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen saldhigyo melleteri oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka maamulka Amxaara kalkaalka ah ee Koonfur galbeed lagu magacaabo.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in mujaahidiintu ay daabusheen saanado hub ah iyo agabyo melleteri oo ay ka carareen maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed.



khasaaraha soo gaaray maleeshiyaadka maamulka 'Koonfur Galbeed' ayaa lagu sheegay 5 askari dhimasho ah iyo dhaawaca toban kale, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay daabusheen saanado melleteri kadibna ay dib uga gurteen deegaanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


 

Related Items