Sawirro: Wiil Soomaali Ah Oo Ku Guuleystay Tartanka Qur'aanka Kariimka Ee Magaalada Dubai.

Thursday June 07, 2018 - 06:07:34 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Wiil Soomaali Ah Oo Ku Guuleystay Tartanka Qur'aanka Kariimka Ee Magaalada Dubai.

    Axmed Burhaan Maxamed oo ah wiil Soomaali ah ayaa ku guuleystay tartanka caalamiga ah ee Qur'aanka Kariimka oo lagu qabtay magaalada Dubai ee wadanka isku tagga imaaraatka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Burhaan Maxamed oo ah wiil Soomaali ah ayaa ku guuleystay tartanka caalamiga ah ee Qur'aanka Kariimka oo lagu qabtay magaalada Dubai ee wadanka isku tagga imaaraatka Carabta.

Wiilkan Xaafidul Qur'aanka ah ayaa latartamay kana adkaaday 104 qof oo metelayay wadamaa caalamka islaamka iyo jaaliyadaha muslimiinta ee kunool wadamada reergalbeedka.

Tartanka oo lagu bixinayay Jazaa'iso caalami ah waxaa goob joog ka ahaa Axmed Bin Max'med Bin Raashid Aala Maktuum oo ah xaakimka Imaarada Dubai.

Axmed Burhaan Maxamed oo 16 sana jir Soomaali ah balse ku koray Mareykanka kuna wax bartay ayaa soo bandhigay tartan xiisa leh, xaafidka oo kalimad ka jeediyay munaasabaddii abaalmarrinada lagu qeybinayay ayaa sheegay in uu noqon doono safiirka muslimiinta ee wadanka Mareykanka.


Xaafidkan Soomaaliga ah balse heysta Jinsiyadda Mareykanka ayaa abaalmarin u helay lacag dhan Dh250,000 oo u dhiganta $68,000 (Lixdan iyo sideed kun oo dollar).

Sidoo kale Mukarar Xamza Albashiir oo ka socday wadanka Liibiya ayey kaalinta koowaad islagaleen Axmed Burhaan halka kaalinta labaad uu galay Mukarar Muxamed Bin C/qaadir Mucarraf oo ka socday wadanka Tuunis, kaalinta tobanaad ee ugu dambeysa waxaa galay Mukarar Jowhar Cabdullaahi Muxamed oo ka socday wadanka Itoobiya.





Related Items