Weerar Saraakiil Lagu Dilay Gaarina Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Thursday June 07, 2018 - 17:34:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Saraakiil Lagu Dilay Gaarina Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar dhabbagal ah oo xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ay gudaha magaalada Muqdisho ugu dhigeen saraakiil katirsan DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar dhabbagal ah oo xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ay gudaha magaalada Muqdisho ugu dhigeen saraakiil katirsan DF-ka.



Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa waqooyiga Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay weerar jidgal ah ku burburiyeen gaari ay la socdeen saraakiil katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in iska hor'imaad xooggan uu ka dhacay halka loo yaqaan Dalcadda Maalin Taajir ee xaafadda Suuqa Xoolaha, weerarka ayaa lagu beegsaday gaari NOHA ah oo ay wateen mas'uuliyiin katirsan maamulka degmada Huriwaa.



Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay laba sarkaal iyo ciidamo ilaala u ahaa, saraakiisha ladilay waxaa kamid ahaa Nin lagu magacaabi jiray Cabdi Geedi Farayare iyo sarkaal kale oo canshuur qaadista qaabilsanaa.

Gaariga weerarka lagu beegsaday ayaa ku gubanaya wadada laamiga ah gaar ahaan inta udhaxeysa isgoyska SOS iyo dhismaha Shirkadda (S company).

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha, tan iyo bilashadii Bisha Ramadaan ayay sare usii kacayeen weerarada ka dhanka ah saraakiisha dowladda ee ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items