Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab Oo Shir Jaraa'id Ku Faah Faahiyay Dagaalladii Libooya iyo Daynuunaay.

Thursday June 07, 2018 - 21:35:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab Oo Shir Jaraa'id Ku Faah Faahiyay Dagaalladii Libooya iyo Daynuunaay.

    Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sh/C/Casiis Abuu Muscab oo wareysi gaar ah siiyay war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weeraradii ay maanta iyo shalay ka kala geysteen degaanka Daynuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sh/C/Casiis Abuu Muscab oo wareysi gaar ah siiyay war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weeraradii ay maanta iyo shalay ka kala geysteen degaanka Daynuunaay ee gobolka Bay iyo naxaaxiga Liboy, ee xad beenaadka.


Ugu horeyn waxaanu wax ka qeydiinay weerarkii Daynuunaay, isagoo sheegay inuu dhacay xalay xilli dambe oo uu waabarigu soo dhawaa, halkaasoo ay muddo kooban kala wareegeen ciidamada Koofur galbeed ee ku daaban Xabashida Itoobiya.


Wuxuu ka dhawaajiyay iney ka hor tageen askar gurmad usoo sameysay oo ka timid dhanka magaalada Baydhabo, ayna gaarsiiyeen khasaare kala duwan.

Khasaaraha dhimashada inta la og yahay oo ay kor istageen meydadkooda ayaa wuxuu sheegay iney afar yihiin, haddana ay gacanta ku hayaan degaanka.


Sidoo kale, Sheekh Abuu Muscab, ayaa sharaxaad ka bixiyay sida uu u dhacay weerar cuslaa oo shalay ka dhacay nawaaxiga degaanka Liboy, ee xad beenaadka, kaasoo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Boliska ee dowladda Kenya.

Xilli ay ciidamadan saarnaayeen gaari nooca waaweyn ah una socdeen degmada Dhoobley ee Jubada hoose ayuu afhayeenku sheegay iney la beegsadeen qarax culus oo sababay inuu burburo gaariga, sidoo kalana ay halkaasi ku dhintaan 25 askari.

Sadax kamid ah askartaas ayuu sheegay iney isku dayeen iney baxsadaan laakin ay toogteen ciidamadooda. Ciidamadan oo ahaa Bolis ayaa u soo socday dhanka Soomaaliya iyadoo la og yahay ciidamada Kenya ee kusoo duulay Soomaaliya iney yihiin Milatari, waxaana afhayeenka la weydiiyay waxa u sababta ah arrintan.

"Horta waxaad ogaataa afka uun baarkiisa weeye Amisom iyo tirooyinka la sheeg sheego, nimankaas waxaas ma xadeeyaan oo intaas waa magaca guud ee la wato, kenyaatiga si gaar ah ayay ugu dhaqdhaqaaqaan meelaha ay qabsadeen ee Jubahada hoose haddey yihiin Bolis iyo haddey yihiin Milatari, dhul ay iyagu leeyihiin ayayna u arkaan” ayuu yiri’ Sh/Abuu Muscab.

Gabagabadii wareysiga waxaa wax laga weydiiyay barakicin baahsan oo ay maalmahan ciidamada Kenya ka wadeen dhulka Soomaaliyeed ee ay Wuqooyi bari ula bexeen, gaar ahaan Liboyo iyo meelaha ka ag dhow iyo afduub ay u geysteen dad degaan ah oo illaa iyo hadda la la’yahay.

Related Items