Dad Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dhulka Soomaaligalbeed Kadib Weerar Ay Qaadeen Maleeshiyaadka Oromada.

Friday June 08, 2018 - 06:44:13 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dhulka Soomaaligalbeed Kadib Weerar Ay Qaadeen Maleeshiyaadka Oromada.

    Colaadda udhaxeysa dadka Soomaalida iyo Oromada ayaa markale dib ugasoo cusboonaaday deegaanno katirsan dhulka Soomaaligalbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore iska hor'imaadyo dhaxmaray soomaalida iyo Oromada
Colaadda udhaxeysa dadka Soomaalida iyo Oromada ayaa markale dib ugasoo cusboonaaday deegaanno katirsan dhulka Soomaaligalbeed.


Wararka ka imaanaya gobolka Fafaan ayaa sheegaya maleeyshiyaad Oromo  ah ay weerar  ku qaadeen shacab Soomaali ah meel ku dhow magalaada Jigjiga oo xarun u ah maamulka Cabdi Ileey.

Wararku waxay  sheegayaan  in shacab Soomaliyeed oo beeralay  ay maleeyshiyaad Oromo ah duulleed ku qaadeen  goob ku dhow degaanka Jinicsanay Dagaal culus ayaana halkaas  ka qarxay markii beralaayda Soomaalida  ah ay iska caabin adag kala hortageen  maleeyshiyaadka Oromada.


Weraarkas waxaa kudhintay 5 ruux oo Soomaali iyo 7 kale oo dhawaacyo soo gaareen, sidoo kale waxaa jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maleeshiyaadka Oromada ee dagaalka qeybta ka ahaa.

Xiisada u dhaxeeya labada dhinac ayaa lagasoo sheegayaa deegaannada dhaca halka ay iska saaranyihiin gobolka Oromia iyo dhulka Soomaaligalbeed oo ku jira gummeysiga Xabashida Itoobiya.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay isku dhacyada u dhaxeeya dadka muslimiinta oo colaadda ay ka dhax abuureen maleeshiyaadkan Liyuu Booliska Itoobiya, Taliska Addis Ababa ayaa madaxa isku geliyay qowmiyadaha muslimiinta si uu sii wato damaciisa gurrucan ee gummeysi.

Dhinaca kale Wararka ka imaanaya isla gobolka  Fafaan  ayaa sheegaya in kumaanan shacab Soomaali ah oo kasoo barakacay  dhulka Oromada ay gaareen  magalaada Jigjiga halkaas oo ay ku wajahayaan xaalado aad uliita

Wariyaal ku sugan magalaada Jigjiga ayaa sheegaya in kumaanan haween, caruur iyo wayeello ah lagu arkayo magalaada  iyaga oo tugsanayo mana wax kaalma ah oo ay ka heleen maamulka dabadhilifka ah ee Jigjiga kajira.

Kumaanan qoys Soomaali ayaa lixda bilood ee  u dambeeyay kasoo barakacay dhulka Oromada markii ay maleeyshiyaadka Oromada bilaabeen xasuuq iyo hanti boob, waxaana muuqata in colaadda ka dhan taagan muslimiinta ay cirka iskusii shareerayso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items