Ciidamo Mareykan Ah Oo Lagu Weeraray Deegaan Ku Dhow Magaalada Kismaayo.

Friday June 08, 2018 - 19:40:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mareykan Ah Oo Lagu Weeraray Deegaan Ku Dhow Magaalada Kismaayo.

    iska hor'imaadyo xooggan ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsna gobolka Jubbada Hoose oo duullaan ay ku joogaan ciidamo huwan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax lala eegtay ciidamada AMISOM
iska hor'imaadyo xooggan ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsna gobolka Jubbada Hoose oo duullaan ay ku joogaan ciidamo huwan ah.

Wararka ka imaanaya deegaannada Baarka iyo Buula Guduud oo dhaca duleedka Kismaayo ayaa sheegaya in dagaallo culus ku dhaxmareen ciidamada shisheeye iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in ciidamada 'Mujaahidiinta' ay weerar kala hortageen ciidamo isugu jiray Mareykanka,Itoobiyaan iyo Soomaali.

Jugta qaraxyo is xigxigay oo lala eeganayay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Itoobiya ayaa laga maqlayay deegaanno dhowr ah oo ka dhaca duleeda magaalada Kismaayo.


Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasheegay in ciidamada cadawga ah uu kasoo gaaray weerarka, diyaarad nuuca qumaatiga ukacda ah ayaa ku degtay goobta dagaalka iyadoona Meydad iyo dhaawacyo u daabushay dhanka garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay ku suganyihiin ciidamo Mareykan ah.

Dhinaca kale weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo, dagaallo xiriir ah ayaa mandiqadda ka socday todobadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items