Sawirro: Tartanka Qur'aanka Dadka Waaweyn Ee Wilaayaadka Islaamiga oo lasoo Gababayeeyay.

Friday June 08, 2018 - 19:46:17 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Tartanka Qur'aanka Dadka Waaweyn Ee Wilaayaadka Islaamiga oo lasoo Gababayeeyay.

    waxaa gobolka Shabeelaha hoose lagu soo gabagabeeyay tartanka Qur'aanka kariimka dadka waaweyn ee wilaayaadka islaamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa gobolka Shabeelaha hoose lagu soo gabagabeeyay tartanka Qur'aanka kariimka dadka waaweyn ee wilaayaadka islaamiga ah.


Tartankan oo ka dhacayay degaanka Kuunyo Barrow, mudadii uu socdayna ay daawanayeen boqollaal dad weyne ah, ayaa waxaa munaasabaddii gunaanadka ee loo qabtay kasoo qeyb galay mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadashay waxaa kamid ah:- Sheekh Muxamad Abuu Cabdalla, waaliga wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka, Sheekh Xassan Yacquub Cali, oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Al-Shabaab, Sh/Maxamad Abuu Usaama, waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose iyo marti kale.


Dhammaantood waxay xafladda ka jeediyeen hadallo dhaxal gal ah oo lagu milicsaday taariikhda barashada Qur’aanka ee ummada Soomaaliyeed, sida dowlada ku xidhan shisheeyaha ay u dulleystaan Qur’aanka, dhinaca kale juhdiga ay mujaahidiintu ku bixiyaan Qur’aanka iyo kor yeeliddiisa iyo dardaaranno.

Gabagabadii waxaa lagu dhawaaqay natiijada iyadoo Sh/Xassan Yacquub uu guuleystayaasha siinayay abaal marinada.
Kaalinta kowaad waxaa galay Aadan Xuseyn Muxamad, oo u tartamayay Jubooyinka, waxaa la gudoon siiyay 70, 000000, oo shilinka Soomaaliga ah una dhiganta 3000, oo doolar iyo hadiyado kale oo ay kitaabo kamid yihiin.

Kaalinta labaad waxaa galay Xassan Sh Cali Xassan, oo u tartamayay Bay iyo Bakool, waxaa la gudoon siiyay 47,000000 oo lacagta Soomaaliga ah oo u dhiganta 2000, oo doolar iyo hadiyado kale, halka kaalinta sadaxaad ay isla galeen Maxamad C/xakiin Daa'uud oo ka socday Banaadir iyo Saacid Sh/Cusmaan oo ka socday wilaayada jubooyinka, waxaana midkiiba la gudoon siiyay lacag gaareysa 1000, doolar iyo hadiyado kale.

Intaa waxa dheer in dhammaan ka qeyb galayaasha kale ee tartanka oo 29, qof ahaa, midkiiba la gudoonsiiyay lacag dhan 500, oo dolar, waxaana ay tartamayaashan ahaayeen kuwa faraxsan oo isku helay maamuus iyo ajar weyn sida aan u rajeeneyno maadaama ay Kalaamka Allaah aqrinayeen.








Related Items