Al Shabaab Oo Sheegay in Askar Mareykan Ah Ay Dhimasho iyo Dhaawac Ugu Geysatay Duleedka Kismaayo.

Friday June 08, 2018 - 23:20:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegay in Askar Mareykan Ah Ay Dhimasho iyo Dhaawac Ugu Geysatay Duleedka Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in galabta halkaas uu ka dhacay weerar culus oo ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la beegsadeen ciidamo huwan ah oo iskugu jira Maraykan, Kenyaati iyo Soomaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in galabta halkaas uu ka dhacay weerar culus oo ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la beegsadeen ciidamo huwan ah oo iskugu jira Maraykan, Kenyaati iyo Soomaali, kuwaas oo halkaas dhaq dhaqaaqyo ka waday.


Weerarka ayaa loo adeegsaday madaafiicda goobta iyo qoryaha sabanada loo yaqaano ee garbaha laga rido, waxaana ciidamada huwanta ah marka la beegsanayay deegaanka Baar-Sanguuni oo qiyaastii 45 KM dhanka  waqooyiga uga beegan Magaalada Kismaayo

Saraakiisha milatariga Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen ugu yaraan hal askari oo Maraykan ah, ayna ku dhaawaceen afar kale kuwaas oo dhaawacooda uu yahay kuwo aad u liita.


Laba diyaaradood oo nooca Heelikobtarka loo yaqaano ayaa kusoo degatay deegaanka Baar-Sanguuni kuwaas oo qaaday dhaawaca iyo dhimashada Ciidamada Maraykanka ah.

khasaaraha inta lahubo ciidamada Mareykanka gaaray ayaa ah dhimashada 1 askari iyo dhaawaca 4 kale oo xaaladooda caafimaad ay aad uliidato.

Taliska Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war uu soo saaray waxaa lagu sheegay in weerar lagu qaaday Ciidamada Maraykanka ah uu ahaa mid sidii loo qorsheeyay u dhacay, isla markaana Shan ka tirsan ciidamadaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Ciidamo huwan ah oo saaakiil Mareykan ah hoggaaminayeen ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaannada Buula Gaduud iyo Sanguuni oo dhammaantood dhaca duleedka magaalada xeebta leh ee Kismaayo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco SomaliMeMo

Related Items