Guddoomiyaha Qansaxdheere Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday Kadib Qarax Lala Eegtay.

Friday June 13, 2014 - 14:03:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Qansaxdheere Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday Kadib Qarax Lala Eegtay.

    Qarax Xoogan oo maanta barqadii ka dhacay gudaha Degmada Qansaxdheere ayuu halis ku galay guddoomiyaha Itoobiya ugu magacaaban degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Sawir Hore/Tusaale ahaan
Qarax Xoogan oo maanta barqadii ka dhacay gudaha Degmada Qansaxdheere ayuu halis ku galay guddoomiyaha Itoobiya ugu magacaaban degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay. Goob Joogayaal ayaa sheegay in qarax miinu uu haleelay gaari uu la socday guddoomiyaha degmada,laba askari oo ilaala u ahaa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxa halka 2 kale ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanku sheegeen.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in wax dhimasha ah aysan jirin balse ay dhaawacyo gaareen 4 askari,ciidamada Xabashida Itoobiya ee xooga ku jooga Qansaxdheere ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax khasaara dhaliyo uu ka dhaco degmada Qansaxdheere oo kamid ah degmooyinka gumeysiga kujira.


Lasoco Wixii soo kordha

Related Items