Shacabka Muqdisho Oo Ka Cabaya Xiritaanka Waddooyinka Ugu Muhiimsan Caasimadda.

Saturday June 09, 2018 - 11:36:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Muqdisho Oo Ka Cabaya Xiritaanka Waddooyinka Ugu Muhiimsan Caasimadda.

    Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran kadib markii ciidamo farabadan lagusoo daadiyay islamarkaana dhagxaan lagu gooyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran kadib markii ciidamo farabadan lagusoo daadiyay islamarkaana dhagxaan lagu gooyay.

Kumanaan kun shacab ah oo udiyaar garoobi lahaa munaasabadda Ciidul fidriga ayaa ku xayiran guryahooda kadib markii ay waayeen waddo ay umaraan suuqyada waaweyn sida Bakaaraha iyo Xamarweyne.

Ciidamo isugu jira Nabad sugid iyo kuwa loo yaqaan xasilinta caasimadda ah ayaa saldhigyo ka sameystay waddooyinka Wadnaha,30-ka iyo Warshadaha waxaana muuqata in sedaxda waddo ee ugu muhiimsan Muqdisho ay xiranyihiin.

Wadada Makka Al Mukarrama ayaa horay uxirneed waxaana hadda kusoo biiray waddooyinkii kale, gaadiid farabadan ayaa la arkayaa iyagoo ku xayiran waddooyinka.


Dadka qaar ayaa cagahooda maalaya si ay ugasoo dukaameystaan suuqyada, tallaabadan ay qaadday xukuumada Xasan Cali Kheyre ayaa sii fogeynaysa shacabka oo cara dheeri ah kasii qaadaya.

iyadoo sidaas loo xiray waddooyinka hadane wali waxaa degmooyinka gobolka Banaadir ka dhacaya dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items