Taliban Oo Ku Dhawaaqday Xabad Joojin Waqti Kooban Socanaysa oo Afghanistan ka Dhaqan Geli doonta.

Saturday June 09, 2018 - 11:52:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban Oo Ku Dhawaaqday Xabad Joojin Waqti Kooban Socanaysa oo Afghanistan ka Dhaqan Geli doonta.

    War rasmi ah oo kasoo baxay imaarada islaamiga Afghanistan ayaa lagu sheegay in ay ogolaatay heshiis xabad joojin ah oo waqti kooban socanaya inta lagu guda jiro dabaal degyada maalmaha ciidda ee soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay imaarada islaamiga Afghanistan ayaa lagu sheegay in ay ogolaatay heshiis xabad joojin ah oo waqti kooban socanaya inta lagu guda jiro dabaal degyada maalmaha ciidda ee soo socda.

Qoraal kasoo baxay Talibaan ayay ku xaqiijisay in dagaalyahanadeedu ay joojin doonaan dagaallada lagula jiro maleeshiyaadka xukuumadda Dabadhilifka Afghanistan maalmaha ciidul Fitriga balse ay sii socan doonaan dagaalka lagula jiro ciidamada shisheeyaha NATO ee Americanka u badan.

Taliban waxay sheegtay in ciidamadeedu ay is difaacayaan haddii lasoo weeraro balse ay hakad gelinayaan guluf dagaaleedkii ay ka wadeen gobollada dalka ee ka dhanka ahaa ciidamada xukuumadda camiilka ah.


Dhinaca kale Ashraf Ghani oo ku magacaaban madaxweynaha Afghanistan ayaa sheegay in xukuumaddiisu ogolaatay xabad joojinta Taliban islamarkaana dhankooda ay joojin doonaan dagaalka.

Waa markii ugu horraysay oo xabad joojin muddo kooban socanayso ay ogolaadaan xoogaga Jihaadiga ah ee Afghanistan ka halgamaya tan iyo sanaddii 2001 xilligaas oo Mareykanku uu duullaan gardarra ah ku qaaday Afghanistan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items