Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Naf-hurnimo Oo Lagu Qaaday Saldhig Melleteri Oo kuyaal Deegaanka Sanguuni.

Saturday June 09, 2018 - 16:57:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Naf-hurnimo Oo Lagu Qaaday Saldhig Melleteri Oo kuyaal Deegaanka Sanguuni.

    Jugta qarax xooggan ayaa goordhow laga maqlay deegaanka Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo halkaas oo shalay lagu dilay askari Mareykan ah 4 kalane lagu dhaawacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qarax xooggan ayaa goordhow laga maqlay deegaanka Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo halkaas oo shalay lagu dilay askari Mareykan ah 4 kalane lagu dhaawacay.

Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa deegaannada Sanguuni iyo Buulo Guduud ayaa sheegaya in qarax xooggan lagula eegtay maleeshiyaad Soomaali ah oo Mareykanku tababaray.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda weerarka "Camaliyad istish-haadi ah ayaa lagu beegsaday saldhig Maleeshiyaadka Murtadiinta ah ee Mareykanku tababaray ay ku lahaayeen deegaanka Sanguuni ee duleedka Kusmaayo, khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ee cadawga kasoo gaaray weerarka dib ayaan kasoo sheegi doonaa" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax aad u xooggan oo loo maleynayo in uu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

Qaraxan ayaa dhacay saacado yar kadib markii ciidamo Mareykan iyo Kenyaan ah ay dib uga laabteen aagga dagaalka Sanguuni ayna gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items