50 Askari oo Maamulka 'Jubbaland' looga Dilay Weerarkii istish-haadiga ahaa ee ka dhacay deegaanka Sanguuni.

Saturday June 09, 2018 - 19:02:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    50 Askari oo Maamulka 'Jubbaland' looga Dilay Weerarkii istish-haadiga ahaa ee ka dhacay deegaanka Sanguuni.

    Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ee waqooyiga magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in camaliyad istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ka dhacday xeradii maalintii shalay ahayd lagu dilay askarta Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ee waqooyiga magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in camaliyad istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ka dhacday xeradii maalintii shalay ahayd lagu dilay askarta Maraykanka ah.


Camaliyadda Istish-haadiga ah ayaa dhacday galabta casirkii waxaana lala beegsaday maleeshiyaat katirsan maamulka Axmad Madoobe kuwaas oo xerada looga tegay markii ay ciidamadii Mareykanka iyo Kuwii Kenyaatiga ay iskaga carareen.

Dadka deegaanka Sanguuni ayaa sheegay in ay waxyar kadib salaadii Casir ay maqleen qarax aad u weyn oo ka dhacay xerada maleeshiyaatka Soomaalida ah ay soo degeen, ayna sidoo kale arkayeen holac aad u weyn iyo uuro ka baxaysa gudaha xerada.


War kasoo baxay Taliska Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa Camaliyad Istish-haadi ah, islamarkaana uu ka dhacay bartamaha xerada, halkaas oo lagu dilay in ka badan 50 ka tirsan Maleeshiyaatkii halkaas ku sugnaa.

Maalintii shalay ayay ahay markii weerar loo adeegsaday madaafiic iyo qoryaha boobayaasha culus ah  iyo gantaalaha garbaha laga rido ay Mujaahdiiintu ku weerareen xeradan oo ay markaan ku sugnaayeen saraakiil iyo askar Maraykan ah, halkaas oo lagu dilay hal askari oo Ameerikaan ah afar kalena lagu dhaawacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items