Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe oo isaga Baxay Deegaanka Sanguuni Ee Jubbada Hoose.

Sunday June 10, 2018 - 06:03:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe oo isaga Baxay Deegaanka Sanguuni Ee Jubbada Hoose.

    Kadib weerar naf hurnimo oo khasaara badan dhaliyay oo shalay lala beegsaday ayay maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe isaga firxadeen deegaanka Sanguuni ee Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib weerar naf hurnimo oo khasaara badan dhaliyay oo shalay lala beegsaday ayay maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe isaga firxadeen deegaanka Sanguuni ee Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland ay isaga carareen saldhig melleteri oo ay uga sugnaayeen deegaanka Sanguuni.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada oo wata Meydad iyo dhaawacyo ay u baxeen dhanka wadada laamiga ah ee aadda magaalada Kusmaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada dib ugurashada sameeyay ay ka baqeen weerar xoog kugal ah oo uga yimaad dhanka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.


Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada oo wata Meydadka 50 askari iyo dhaawacyada tobanaan kale ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay saldhig ku leeyihiin.

Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa shalay gelinkii dambe lagu dhuftay isku imaatin melleteri waxaana larumeysanyahay in qaraxaas uu soo gaba gabeeyay joogitaanka maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Baar Sanguuni.

Ciidamo isugu jiray Mareykanka Kenyaan iyo Itoobiyaan ayaa isbuucii lasoo dhaafay taangiyo ku geeyay maleeshiyaadka Sanguuni balse way ku adkaatay in ay deegaanka Difaacaan.

Dagaallo xiriir ahaa oo ka dhacay wadada xiriirisa Buulo Guduud iyo Sanguuni ayaa sababay dhimashada askari Mareykan ah iyo dhaawaca 4 kale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items