Taliyayaashii Melleteriga iyo Sirdoonka Itoobiya Oo Shaqada laga Eryay, Qowmiyadda Tigreega oo Cadaadis Wajaheysa [Warbixin].

Sunday June 10, 2018 - 06:25:51 in Wararka by
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyayaashii Melleteriga iyo Sirdoonka Itoobiya Oo Shaqada laga Eryay, Qowmiyadda Tigreega oo Cadaadis Wajaheysa [Warbixin].

    Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in shaqada laga Eryay saraakiishii ugu sarraysay ciidamada Melleteriga iyo sirdoonka wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in shaqada laga Eryay saraakiishii ugu sarraysay ciidamada Melleteriga iyo sirdoonka wadankaasi.


R/wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa Eryay Jeneraal Samora Yunis oo muddo dheer ahaa taliyaha ciidamada qalabka sida kanasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ee awoodda ku dhax leh melleteriga.

Sidoo kale waxaa la eryay taliyihii  guud ee sirdoonka Itoobiya ninka lagu magacaabo Jeneraal Getachew Assefa oo isna kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega.

Labadan Jeneraal ee shaqada laga eryay ayaa soo noqday abaan duulayaashii Jabhadda xureynta shacabka Tigree (TPLF), waxay ahaayeen gacan yarayaashii Males Zenawi R/wasaarihii halaagsame ee Itoobiya.


Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Itoobiya ayaa sheegaya in tallaabadan  uu qaaday R/wasaaraha Itoobiya ee kasoo jeeda qowmiyadda Oromada uu yahay qorshe guud oo xisbiga talada haya ee EPRDF uu ku doonayo in xukunka waddanka uu uga fogeeyo madaxda qowmiyadda Tigreega oo sodonkii sanadood ee lasoo dhaafay heysay talada wadanka Itoobiya

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items