Maleeshiyaadka 'Jubbaland' Oo Markale Qoor qabad Lagu Geeyay Baar Sanguuni.

Sunday June 10, 2018 - 21:48:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka 'Jubbaland' Oo Markale Qoor qabad Lagu Geeyay Baar Sanguuni.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe markale lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan deegaanka Baarka ee duleedka Kismaayo dhaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe markale lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan deegaanka Baarka ee duleedka Kismaayo dhaca.

Maleeshiyaadka oo saaka aroortii gaaray halka loo yaqaan Dalcadda Lugloow ayaa maanta duhurkii qaab qoor qabad ah dib loogu celiyay Baarka Sanguuni oo shalay weerar xooggan lagula beegsaday.

Ciidamo isugu jiray Kenyaati iyo Itoobiyaan ayaa maleeshiyaadka ku qasbay in ay dib ugu laabtaan saldhiggii ay dhawaan ciidamada Mareykanka uga dhiseen Baarka.

Axmed Madoobe iyo saraakiil kale ayaa ciidamada ugelbiyay Baarka waxayna u balan qaadeen in lacago mushaar joogta ah lasiin doono haddii ay kusii sugnaadaan deegaanka.


Maleeshiyaadka oo baqdin ka muujinaya weeraro uga yimaad Shabaabul Mujaahidiin ayaa caawa maqribkii lagu arkayay iyagoo  isugu tagay wadada laamiga ah ee Baarka uga baxda dhanka Kismaayo.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in maleeshiyaadka ay ka muuqato baqdin iyo kalsooni darro waxaana dhici karta in markale ay dib ugu laabtaan Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items