Sheekh Caan ah Caruurtiisa iyo Xaaskiisa Oo ku Shahiiday Duqeyn ka dhacday wadanka Liibiya [Sawirro].

Monday June 11, 2018 - 12:04:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Caan ah Caruurtiisa iyo Xaaskiisa Oo ku Shahiiday Duqeyn ka dhacday wadanka Liibiya [Sawirro].

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa ku waramaya in duqeyn ka dhacday magaalada Darna ee wadankaasi ay ku shahiideen tiro culimo mujaahidiin ah iyo xubnaha qoys muhaajiriin ah oo ku sugnaa halkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa ku waramaya in duqeyn ka dhacday magaalada Darna ee wadankaasi ay ku shahiideen tiro culimo mujaahidiin ah iyo xubnaha qoys muhaajiriin ah oo ku sugnaa halkaas.


Sheekh Cumar Rifaaci Saruur oo uu dhalay sheekha caanka ah ee Rifaaci Saruur, kuna dhintay wadanka Masar, ayaa kamid ah dadka ku shahiiday duqeyntan ay fuliyeen diyaaradaha Masar iyo Imaaraatka oo taageeraya malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar.

Sheekh Cumar waxaa la shahiiday Xaaskiisa, iyo shan caruur ah oo uu dhalay, waxaana sidoo kale dadka shahiiday ku jira Sheekh Abii Cumar Cabdi-Salaam Al-cawaami, iyo Sheekh Abii Zeyd.

Sheekh Dr Haani As-subaaci oo kamid ah culimada muslimiinta, islamarkaana si dhow u garanayay Sheekh Cumar Rifaaci ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Telegramka wuxuu ku xaqiijiyay istish-haadka ragan, isagoona dusha kaga tuuray mas’uuliyada dilkooda dowladaha Masar iyo Imaaraatka.



Sheekh Cumar Rifaaci ayaa kamid ahaa mujaahidiinta ka howlgala wadanka Liibiya, wuxuuna qaadi ka ahaa magaalada Darna ee uu ku shahiiday.


8 sano oo xiriir ah ayuu ku xirnaa xabsiyada dowladda Masar, xilligii uu talada wadankaas hayay Xusni Mubaarak, balse waxa uu xurriyadiisa helay 2011-ka, kolkaas oo wadanka Masar ay ka socdeen banaanbaxyo waaweyn.

Markii uu xabsiga kasoo baxay kadib wuxuu soo aaday wadanka Liibiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayay dagaallada Jihaadka ah.

Aabaha dhalay Sheekh Cumar waxaa lagu magacaabaa Sheekh Rifaaci Saruur, waana culimada caanka ka ahaa caalamka islaamka si gaar ah Masar, sanadkii 2012-ka ayuu ku dhintay wadanka Masar, waxaana isaga qudhiisa uu sanado dheer uu ku xirnaa xabsiyada dowladda Masar xilliyadii Anwar Saadaat iyo Jamaal Cabdi-Naasir.


 

Magaalada Darna ayaa wajaheysa go’doon adag oo ay kusoo rogeen malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar, kuwaas oo doonaya iney gudaha u galaan magaalada, balse waxaa hortaagan ciidamada mujaahidiinta iyo dadka muslimiinta oo iskaashanaya.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items