dhageyso: Andalus Oo Baahisay Dardaaranka iyo Magaca Dagaalyahankii Fuliyey Howlgalkii Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Monday June 11, 2018 - 17:02:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    dhageyso: Andalus Oo Baahisay Dardaaranka iyo Magaca Dagaalyahankii Fuliyey Howlgalkii Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

    Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa xaley baahisay Warbixin si qoto dheer kaga hadleysa abaabul dagaal oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afrikaanta ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku soo daabuleen boqolaal maleeshiyaat Soomaali ah si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa xaley baahisay Warbixin si qoto dheer kaga hadleysa abaabul dagaal oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afrikaanta ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku soo daabuleen boqolaal maleeshiyaat Soomaali ah sii loo qalqal geliyo deegaanada lagu maamulo shareecada Islaamka.


Warbixinta ayaa lagu sheegay in qorshahan uu daba socdo silsilado qirshoolo ah oo horay ay u fashiliyeen Mujaahidiinta kaas oo ay horboodeyso dowlada Mareykanka.

Ciidamo huwan ah oo ka kooban ilaa 800 oo askari oo isugu jira Soomaaliya iyo Kenyaati oo taageero ka helaya cutubyo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa todobaadkii la soo dhaafay saldhig ka sameystay deegaan lagu magacaabo Baarka oo qiyaastii 45KM u jira magaalada Kismaayo.


Ciidamada ayaa la kulmay weeraro joogta ah oo midkii ugu dambeeyey uu camaliyad Istish-haadi ah oo lagu dhuftay xerada, taas oo lagu dilay in ka badan 50 askari. Idaacadda Andalus ayaa sheegtay in howlgalka uu fuliyey dagaalyahan lagu magacaabo Yuusuf Cumar Cali oo ku magacdheer Foorto kaas oo ahaa Mujaahid 24 sano jir ah oo ka dhashay beesha Wacdaan Cusmaan.

Idaacadda ayaa sidoo kale baahisay hadalo laga duubay Yuusuf saacadihii ugu dambeeyey ee noloshiisa xilli uu saarnaa gaarigiisa.

Related Items