Donald Trump iyo Kim Jong un Oo Kulankii Ugu Horeeyay Yeeshay

Tuesday June 12, 2018 - 06:11:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Donald Trump iyo Kim Jong un Oo Kulankii Ugu Horeeyay Yeeshay

    Wadanka Singapore ee dhaca qaaradda Asia waxaa ka furmay kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya muddo 64 sanadood ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Singapore ee dhaca qaaradda Asia waxaa ka furmay kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya muddo 64 sanadood ah.
Kim Jong un oo ah hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya ayaa kulan albaabadu u xiranyihiin laqaatay dhiggiisa Mareykanka Donald Trump, labada dhinac oo hadlayay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin kulanka ay qaateen oo ay ku sheegeen mid taariikhi ah.

"waxaan yeelanay kulan taariikhi ah waxaan rajeynayaa in aan meesha ka saari doonno dhammaan caqabadaha na horyaal" sidaas waxaa yiri Kim Jong un hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya.

Donald Trump ayaa isna kulanka uu la qaatay madaxweynaha waqooyiga Kuuriya ku sifeeyay mid xiisa leh.


Shaashad weyn oo ladhigay xarunta jaaliyadda dadka Kuuriyaanka ee magaalada Singapore ayay ka daawanayeen kulanka dhaxmaray Trump iyo Kim Jong un.

Kulankan ayaa ah mid albaabadu uxiranyihiin marka laga reebo labada tarjumaan oo loo ogolyahay in ay ku sugnaadaan hoolka kulanku ka dhacayo.

Related Items