Maamulka Shariif Sakiin Oo Qiray in looga Adkaaday Dagaalkii Teeda.

Tuesday June 12, 2018 - 06:33:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Shariif Sakiin Oo Qiray in looga Adkaaday Dagaalkii Teeda.

    Maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ee dabadhilifka u ah Xabashida Itoobiya ayaa xaqiijiyay in khasaara lixaad leh uu dhankooda kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee dhalay ka dhacay gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ee dabadhilifka u ah Xabashida Itoobiya ayaa xaqiijiyay in khasaara lixaad leh uu dhankooda kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee dhalay ka dhacay gobolka Bakool.

Maxamed Macallim Axmed oo ah guddoomiyaha degmada Xudur ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadooda looga itaal roonaaday dagaalkii ka dhacay deegaanka Teeda.

Wuxuu sheegay in afar askari laga dilay islamarkaana lagala wareegay saldhiggii melleteri isagoo ku cataabay in ciidamada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday ay ka tira badnaayeen maleeshiyaadkooda islamarkaana ay hub casri ah kusoo dagaal tageen.

Guddoomiyaha Xudur ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay ka gaabisay hubeynta maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed ee ku sugan gobolka Bakool.


Ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku jooga degmooyin katirsan gobolka Bakool ayaa maleeshiyaadkan tababar iyo hub siiyay balse waxay ubabac dhigi waayeen ciidamada Al Shabaab ee halgan kula jira shisheeyaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items