Maamulka Islaamiga Deegaanka Bariire Oo 13 qof Kasoo Badbaadiyay Doon Qallibantay iyo Dad lala'yahay.

Tuesday June 12, 2018 - 12:10:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maamulka Islaamiga Deegaanka Bariire Oo 13 qof Kasoo Badbaadiyay Doon Qallibantay iyo Dad lala'yahay.

    Doontan ayaa Shaley gelinkii dambe kasoo baxday degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose taas oo kusii jeedday dhanka degmada Janaale ee isla sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doontan ayaa Shaley gelinkii dambe kasoo baxday degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose taas oo kusii jeedday dhanka degmada Janaale ee isla sh/hoose.


Dad ku dhow 20 ruux oo 13 ka mid ah ay ahaayeen rag halka todobada kale ay ahaayeen dumar ayaa saarna doonta degtay sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta maamulka islaamiga Sh/Hoose.

Doonto oo ku socotay Xawaare sare ayaa gabalka uu ku dhacay iyadoo ku jirta biyaha Wabiga shabelle  xilli ay ku socdaalaysay meel ku dhow deegaanka Bariire.

Xalay Salaaddii Cishaha kadib ayaaa lagusoo warramayaa in doontaasi ay ku degtay nawaaxiga deegaaanka Bariire kadib markii halkaas shil ay ku gashay shilkaas oo keenay in doonta ay biyo soo galaan.


Maamulka islaamiga deegaanka Bariire oo gurmad u fidiyay dadkii shacabka ahaa ee doonta la degtay ayaa ku guuleystay in ay so badabadiyaan 18 kamid ah rakaabkii doonta la socday halka illaa iyo hadda la la'yahay laba qof oo kala ah hooyo iyo canugeeda waxaana loo badinayaa in dadkaasi ay ku maashoobeen biyaha wabiga shabelle.

Haweeney lala'yahay ayaa Uur laheyd iyo gabar da'deeda lagu qiyaasay 13 jir kuwaas oo la aamin san yahay in uu wabiga qaaday.
13 Rag ah iyo 5 dumar ah oo lagasoo badbaadiyay doonta qalibantay ayaa lageeyay deegaanka Bariire halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayo.

Qof ka mid ah dadkii lagaoso badbaadiyay doonta sidday shixnada ganacsi iyo dadka shacab ah  ayaa u sheegay warbaahinta islaamiga ah in mar qura doonta oo ku socoto xawaare sare uu ka hor yimid geed weyn uu ku jiray wabiga dhexdiisa taas oo sababtay in  biya badan ay so galeen doonta markii ay geedka ku dhacday.

Sanad kasta marka lagaaro xilli roobaadka, gobolka Sh.hoose wuxuu kamid yahay  gobolada dalka ee uu saameynta ku yeesho roobabka da'aya maadama ay xirmaan qaar ka mid ah wadooyinka ay isticmaalaan dadka iyo gaadiidka taaso keentay in bulshada gobolka ay doomo isticmaalaan iyagoo ku kala gudbo wabiga Shabelle..

Related Items