Afar Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Baar Sanguuni.

Tuesday June 12, 2018 - 19:18:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Baar Sanguuni.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo markale lagu qaaday saldhig maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo markale lagu qaaday saldhig maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay maanta duhurkii weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen deegaanka Baarka Sanguuni oo qiyaastii 45KM ujira magaalada Kismaayo.

Ugu yaraan Afar askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen madaafiic ku hoobatay gudaha saldhigga ciidanka Baar Sanguuni, xilligii weerarku dhacayay waxaa deegaanka ku sugnaa ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya oo dhanka Kismaayo ka yimid.

Daqiiqado kadib markii duqeyntu dhacday ayay ciidamada Al Shabaab weerar fool ka fool ah ku qaadeen deegaanka waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo daqiiqada ah socday.


Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarka lagu gubay gaari Hoomeey ah oo maleeshiyaadka Baar Sanguuni raashin ugasoo daabulay dhanka magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadkan ayaa laba maalin ka hor si qasab ah waxaa lagu dajiyay Baar Sanguuni kadib weerar naf hurnimo ee sabtidii lasoo dhaafay ay kala kulmeen shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items