Maleeshiyaadka 'Xaslinta' Oo Sedax Qof Shacab Ah Ku Dilay Muqdisho.

Wednesday June 13, 2018 - 13:36:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka 'Xaslinta' Oo Sedax Qof Shacab Ah Ku Dilay Muqdisho.

    Dilal lagula kacay dad shacab ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir xilli ay kadeed wajahayaan malaayiin qof oo ku dhaqan Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal lagula kacay dad shacab ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir xilli ay kadeed wajahayaan malaayiin qof oo ku dhaqan Muqdisho.

Maleeshiyaadka Xasilinta caasimadda ayaa xalay fiidkii isgoysa Efeco ku toogtay wiil dhalinyara ah oo darawal ka ahaa Moota Bajaaj xilligaasi sidda dad shacab ah.

Sidoo kale laba qof ayaa xalay siyaaba kala duwan loogu dilay degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag, maleeshiyaadka Xasilinta ayaa rasaas ay fureen ku dilay dad shacab ah.

Dilalkan ayaa yimid xilli Xasan Cali Kheyre uu xalay booqanayay jidgooyooyin ay maleeshiyaadkan soo dhigteen waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.


Shacabka kunool gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya jidadka xiran oo lagu daray dilal qorsheysan, Thaabid Cabdi oo horay usoo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay dilal iyo jajuub ka dhan ah shacabka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items