Farmaajo Oo Wadaada Xumayaasha Ku Guubaabiyay in Ay Xoojiyaan Kaalinta ay Ka Qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah 'Argagaxisada'.

Wednesday June 13, 2018 - 13:47:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Wadaada Xumayaasha Ku Guubaabiyay in Ay Xoojiyaan Kaalinta ay Ka Qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah 'Argagaxisada'.

    Xilli dowladda Federaalka ay fashil dhanka siyaasadda iyo ammaanka ah ka wajaheyso magaalada Muqdisho ayay ugacan haatisatay wadaada xumayaasha la shaqeeya gummeystayaasha dalka kusoo duulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli dowladda Federaalka ay fashil dhanka siyaasadda iyo ammaanka ah ka wajaheyso magaalada Muqdisho ayay ugacan haatisatay wadaada xumayaasha la shaqeeya gummeystayaasha dalka kusoo duulay.



Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa xarunta madaxtooyada ugu yeeray Wadaada xumayaal caan ku ah in ay fataawaad usoo saaraan AMISOM iyo Itoobiya.

Isagoo hadlayay ayuu Farmaajo ku amray wadaada xumayaasha in ay sare uqaadaan isgarab taagoodda DF-ka iyo ciidamada AMISOM islamarkaana ay dhanka sharciga uga qeyb qaataan wax uu ugu yeeray dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.

"Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”ayuu yiri Farmaajo.



Bashiir Axmed Salaad iyo Cali Wajiis oo kamid ah culimaa'usuuga u shaqeeya shisheeyaha oo iyana madasha kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay sii wadayaan isgarab taaggan DF-ka iyo howlgalka AMISOM iyagoo xarakada Al Shabaab ku sifeeyay Khawaarij Argagaxiso ah.

Farmaajo ayaa kula dardaarmay Wadaada xumayaasha in ay kaalintooda qaataan isagoo jihaadka ka dhanka ah soo duulayaasha ku sifeeyay afkaar dibadda lagasoo dhoofiyay.

Dalka waxaa kusoo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenn, Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Farmaajo.

Sanaddii 2010 ayay wadaada xumayaasha Soomaaliya soo saareen fatwo ay ku sharciyaynayaan duullaanka ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka wixii xilligaas ka dambeeyay ayey culumaa'usuugu waayeen cid wax ka maqasha waxayna shacabka Soomaaliyeed u yaqaanaan wadaadada Dowladda iyo AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items