Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Qansaxdheere.

Wednesday June 13, 2018 - 13:52:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Qansaxdheere.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig ay maleeshiyaad katirsan maamulka Shariif Sakiin ay ku leeyihiin gobolka Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig ay maleeshiyaad katirsan maamulka Shariif Sakiin ay ku leeyihiin gobolka Bay.

Wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay ka dhacay gudaha magaalada, ciidamada Al Shabaab ayaa xoog ku galay saldhig melleteri.

Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa sheegtay in weerar qorsheysan lagu dilay ugu yaraan 2 Askari "Howlgal Mujaahidiintu ka fuliyeen Qansaxdheere waxaa lagu dilay laba katirsan murtadiinta" ayaa lagu yiri war lagasii daayay idacadda.

Tan iyo bilashii bisha barakeysan ee Ramadaan ayay sii xoogeysanayeen weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee la shaqeeya, waxayna weeraradaasi ka dhacayeen Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items