Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyo Ciidan Oo Kuyaal Xaafado Katirsan Degmada Huriwaa.

Wednesday June 13, 2018 - 22:09:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyo Ciidan Oo Kuyaal Xaafado Katirsan Degmada Huriwaa.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa caawa fiidkii dib uga qarxay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa caawa fiidkii dib uga qarxay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.



Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka Dowladda Federaalka uga suganyihiin dhowr xaafadood oo katirsan degmada Huriwaa ee waqooyiga Muqdisho.

Weerarka koowaad ayaa lagu qaaday saldhigga Shaneemo Cabdi Waayeel ee ku dhow isgoyska SOS, goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta garneellada garbaha laga gemo oo lagu weerarayo saldhigga iyo hugunka rasaas lays dhaafsanayay.

Dhinaca kale weerar hubeysan ayaa lagu qaaday saldhig maleeshiyaadka DF-ka uga suganyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee isla degmada Huriwaa, weeraradan ayaa imaanaya xilli waddooyinka Muqdisho ay xireen maleeshiyaadka Xasilinta caasimadda.



Meel aan sidaas uga fogeyn goobaha caawa lagu dagaallamay oo ah xerada Maslax waxaa ku xayiran gaadii farabadan oo dad rakaab ah ka qaaday degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa gaadiidka udiiday in ay Muqdisho gudaha ugalaan waxaana gaadiidka saaran khudaar iyo caano haddii aan waqti hore suuqyada lageynay hallaabaya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items