4 Askari Oo Dowladda Imaaraatka looga Dilay Galbeedka Waddanka Yemen.

Thursday June 14, 2018 - 13:20:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    4 Askari Oo Dowladda Imaaraatka looga Dilay Galbeedka Waddanka Yemen.

    Khasaara lixaad leh ayaa markale ciidamada dowladda imaaraatka Carabta kasoo gaaray dagaalka ka holcaya wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa markale ciidamada dowladda imaaraatka Carabta kasoo gaaray dagaalka ka holcaya wadanka Yemen.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraatka ayaa lagu xaqiijiyay in ugu yaraan 4 askari looga dilay dagaallo culus oo ka dhacay magaalada Alxudeyda ee dhacda galbeedka wadanka Yemen.

"Afar kamid ah ciidamadeenna ayaa ku shahiiday wadanka Yemen iyagoo gudanaya waajibkooda kana mid ah isbaheysiga raja soo celinta carbeed" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda UAE.

Laba maalmood ka hor ayay dowladaha isbaheysiga Carabta iclaamiyeen olole dagaaleed ballaaran oo ay ku doonayaan in maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay uga qabsadaan magaalada dekadda leh ee Alxudeydah.


Boqolaal askari ayaa la rumeysanyahay in dowladda UAE looga dilay dagaalka Yemen balse taas bedelkeed waxay awoodeeda kusii fidinaysaa wadanka iyadoo qabsatay magaalooyin dekada leh oo dhaca Koonfurta Yemen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items