Dhageyso: Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade iyo Odayaal dhaqameedyo Booqday Degmada Moqokori Ee Gobolka Hiiraan.

Thursday June 14, 2018 - 14:04:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade iyo Odayaal dhaqameedyo Booqday Degmada Moqokori Ee Gobolka Hiiraan.

    Degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya horraantii bisha Ramadaan waxaa ka dhacay dagaal culus oo lagu gummaaday maleeshiyaad Soomaali ah oo dabadhilifyo u ah ciidamada Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya horraantii bisha Ramadaan waxaa ka dhacay dagaal culus oo lagu gummaaday maleeshiyaad Soomaali ah oo dabadhilifyo u ah ciidamada Xabashida Itoobiya.

Kadib dib uxureyntii Moqokori nolosha ayaa si tartiib tartiib ah dib ugusoo laabanaysa, boqolaal qoys oo horay uga barakacay magaalada ayaa guryahooda dib ugusoo laabanaya.

Mas'uuliyiin katirsan wilaayaatka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,Galguduud iyo Hiiraan ayaa socdaal indha indheyn ah ku tagay Moqokori si ay usoo indha indheeyaan xaaladda magaalada.

Odayaal dhaqameedyo iyo mas'uuliyiin ayaa goob fagaara ah kula hadlay ciidamadii magaalada xureeyay iyo waxgaradka deegaanka, Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade waaliga Shabeelaha dhexe iyo Ugaaska Beesha Murusade iyo imaamka beesha Abgaal ayaa shacabka Moqokori ugu hambalyeeyay guushii ay ka gaareen dagaalkii lalagalay maleeshiyaadka Amxaara kalkaala ah.


Halkan ka degso Khudbadihii ay Jeediyeen Mas'uuliyiinta iyo Odayaasha dhaqanka ama Hoos Ka dhageyso

Related Items