Al Shabaab oo Ku Dhawaaqday in Berri ay tahay Maalinta 1-aad Ee Ciidul Fidriga.

Thursday June 14, 2018 - 20:34:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Ku Dhawaaqday in Berri ay tahay Maalinta 1-aad Ee Ciidul Fidriga.

    Maktabka garsoorka xarakada Al Shabaab ayaa caawa iclaamiyay in maalinta Jumcaha ee Berri ay tahay maalinta koowaad ee Munaasabadda Barakaysan ee Ciidul Fidriga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maktabka garsoorka xarakada Al Shabaab ayaa caawa iclaamiyay in maalinta Jumcaha ee Berri ay tahay maalinta koowaad ee Munaasabadda Barakaysan ee Ciidul Fidriga.


Magaalooyin iyo deegaanno dhaca Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya ayaa laga arkay bisha Shawaal,xarakada Shabaabul mujaahidiin ayaa muslimiinta ugu hambayaysay munaasabadda Ciidda.

Gobollada laga arkay bisha Shawwaal waxaa kamid ah Jubbada Hoose iyo Hiiraan, dad ku sugan deegaannada Wayaanta ee galbeedka magaalada Kismaayo ayaa arkay Bisha Shawaal sidoo kale deegaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan ayaa laga arkay bisha Shawwaal.


Idaacadda Andalus ayaa lagasii daayay war kasoo baxay maktabka Qadaha Xarakada waxaana la iclaamiyay in berri ay tahay Maalin Ciid ah oo muslimiintu ay dabaal degayaan.

Durbadiiba Takbiirta ayaa ka bilaatay masaajidda waa weyn ee wilaayaadka islaamiga Soomaaliya iyo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Dhinaca kale muslimiinta Caalamka ayaa berri udabaal degaya Munaasabadda Ciiddul Fidriga kadib markii ay bilatay Bisha Shawwaal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items