Sawirro: Diyaaradaha Kenya Oo Duqeymo Khasaara Sababay Ka Geystay Deegaanno Katirsan Gobolka Gedo.

Sunday June 17, 2018 - 12:08:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Diyaaradaha Kenya Oo Duqeymo Khasaara Sababay Ka Geystay Deegaanno Katirsan Gobolka Gedo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo khasaara dhaliyay lala eegtay deegaanno ay dad shacab ah ku sugnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo khasaara dhaliyay lala eegtay deegaanno ay dad shacab ah ku sugnaayeen.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa duqeymo ka geystay degmada Ceel Cadde iyo deegaannada hoos yimaad waxaana lasoo sheegayaa khasaara soo gaaray dad shacab ah oo ubadan haween iyo carruur.

Wariye ku sugan gobolka Gedo ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in dhowr madfac ay ku dhaceen gudaha Ceel cadde waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 5 qof oo carruur ubadan.

Duqeymaha oo ay geysanayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa Miigagga loo yaqaan oo ay adeegsanayeen melleteriga Kenya waxay beegsanayeen isku imaatinnada dadka shacabka ah.


Deegaannada Hareeri Tuur iyo Gaddoon Dhawe oo dhammaantood Gedo katirsan ayay duqeymuhu ka socdeen xalay illaa iyo maanta duhurkii balse illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.

Sidoo kale duqeymahu waxay beegsadeen wara biyoodyo iyo waddooyin ay dadka reer miyiga ah xoolahooda ugu arooriyaan ceelasha biyaha iyo dhulka daaqsinta ah.

Dadka ku dhaawacmay duqeymaha ayaa la dhigay isbitaalka guud ee degmada Ceel Cadde halkaas oo lagu baxnaaninayo xaaladooda caafimaad, dowladda Kenya ayaa lixdii sanadood ee lasoo dhaafay xasuuq arxan darra ah ka geysanaysay gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Hoos Ka Daawo Sawirrada qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay duqeynta.









Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items