Daawo Video: R/Wasaaraha Itoobiya Oo sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya Ay Noqonayaan Hal Dal.

Monday June 18, 2018 - 12:46:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo Video: R/Wasaaraha Itoobiya Oo sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya Ay Noqonayaan Hal Dal.

    Abeey Axmed, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo dhawaan booqasho aan horey loo sii shaacin ku yimid magaagalada Muqdisho ayaa markii uu ku laabtay dalka Itoobiya wuxuu waraysi uu siiyay tvga dalkaas, kaas oo uu kaga sheekeeyay ujeedka safarkiisa Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abeey Axmed, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo dhawaan booqasho aan horey loo sii shaacin ku yimid magaagalada Muqdisho ayaa markii uu ku laabtay dalka Itoobiya wuxuu waraysi uu siiyay tvga dalkaas, kaas oo uu kaga sheekeeyay ujeedka safarkiisa Soomaaliya.



Abeey Axmed waxa uu sheegay in madaxda dowladda federaalka ay isku afgarteen in Itoobiya iyo Soomaaliya noqdaan hal dal oo mid ah, islamarkaana la iska illoobo taariikhdii hore ee labada dal ka dhexeysay.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo u muuqday qof ku faraxsan qodobada heshiiska uu Farmaajo kasoo saxiixay ayaa sheegay iney tahay in la iska hilmaamo dagaalladii uu ku sheegay iney dhexmareen Siyaad barre iyo Mingiste, balse xaqiiqadu waxay tahay iney dagaalladaas dhexmareen Umadda Soomaaliyeed iyo Itoobiya.



isagoo lahadlayay Telefeshin Maxalli ah ayuu yiri "waa in aan iska illaawnaa colaaddii ay Abuureen Jeneraal Mangiste iyo Siyaad Barre" wuxuu ku goodiyay in Itoobiya ay qaadatay go'aan ah mideynta dhaqaalaha geeska Afrika isagoo carrab dhabay in ay isticmaalayaan afar dekadood oo kuyaal dalka Soomaaliya.

Qodobada heshiiska dowladda Federaalka iyo tan Itoobiya ay wada gaareen waxaa kamid ah in Itoobiya lagu wareejiyo afar dekadood oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waana qodobka uu aad ugu farxay Abeey isagoona ku faanay iney ka bixi doonaan bad la’aanta.

Abeey Axmed ayaa ku celceliyay in iyagu ay ka maarmaan isticmaalka dekadaha Soomaaliya balse ujeedku yahay in ay helaan dhaqaale ballaaran isagoo Soomaalida ku sifeeyay kuwa aan sidii larabay uga faa'iideysan kheyraadka baddooda.

Warka kasoo yeeray R/wasaaraha Itoobiya ayaa ah qeyb yar oo kamid ah heshiis qarsoodi ah oo u saxiixay Farmaajo balse warbaahinta laga qariyay halka lasoo bandhigay qodobo aan muhiim aheyn oo heshiiska ku saabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga wallaacsan arintan, waxaana baraha bulshada iyo goobaha ay dadku ku kulmaan aad looga hadal hayaa warka kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Halkan ka degso Caddeynta R/wasaaraha Itoobiya oo Afsoomaali Ka Tarjuman ama Hoos ka Daawo


Related Items