Video: Cabdi ileey Oo Shacabka Kunool Soomaaligalbeed Ka Mamnuucay in Ay Habaaraan Gaalada Una Duceeyaan Muslimiinta.

Wednesday June 20, 2018 - 13:30:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Cabdi ileey Oo Shacabka Kunool Soomaaligalbeed Ka Mamnuucay in Ay Habaaraan Gaalada Una Duceeyaan Muslimiinta.

    Cabdi Muxamuud Cumar oo ku magac dheer Cabdi ileey waa Ninka dowladda xabasiga itoobiya ugu magacaaban daadihinta gummeysiga lagu hayo shacabka muslimiinta ee kunool dhulka Soomaaligalbeed ee cadawgu ubixiyay killi5.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Muxamuud Cumar oo ku magac dheer Cabdi ileey waa Ninka dowladda xabasiga itoobiya ugu magacaaban daadihinta gummeysiga lagu hayo shacabka muslimiinta ee kunool dhulka Soomaaligalbeed ee cadawgu ubixiyay killi5.


Cabdi Ileey ayaa Khudbad uu ka jeediyay Magaalada Jigjiga waxaa uu walaac uga muujiyay in dagaalka jihaadka ah ee ka socda dalka Soomaaliya uu ku faafo gudaha dalka Itoobiya iyo dhulka soomaalidu degto, wuxuu sheegay in walaaca kaliya ee Itoobiya ka qabto bariga afrika ay tahay xarakada shabaabul Mujaahidiin. 

Ninkan dabadhilifka ah oo u muuqday in uu ku taaganyahay dhabbihii R/wasaarihii itoobiya ee halaagsamay Meles Zenawi wuxuu ku baaqay in laga hortago waxbarashada islaamiga ah iyo faafinta dacwada jihaadka oo uu sheegay in ay halis ku yihiin dadka Kirishtaanka ah.


Cabdi ileey ayaa ku hadaaqayay erayo uu ku sheegayo in aysan banaaneyn dilka gaalada Nasaarada ah , wuxuuna aad uga caraysnaa dagaalka lagula jiro gaalada ee gallaafanaya nolosha askar badan oo saliibiyiin ah, wuxuuna sheegay in qofkii dila qof gaal ah uu naarta gelayo, sida uu ku hadaaqay.


Hogaamiyaha maamulka ashahaadda ladirirka Soomaaligalbeed oo xabashi jaceyl ku caanbaxay ayaa muslimiinta ku dhaqan magaalooyinka waaweyn sida Jigjiga,godeey iyo qabri daharre ka mamnuucay in marka ay salaadaha dukanayaan ay habaaraan gaalada una duceeyay walaalahooda muslimiinta, Cabdi ileey ayaa ku andacooday in habaarka la habaarayo gaalada uu yahay wax uu ugu yeeray xagjirnimo.

Warka kasoo yeeray Ninkan murtadka ah ayaa imaanaya xilli maleeshiyaadka Liyuu Booliska Itoobiya ay sare uqaadeen gummaadka ay ku hayaan shacabka muslimiinta ee kunool dhulka Soomaalgalbeed sida iyagoo gubay tuulooyin iyo dhul beereedyo iyagoo ku marmarsiyoonaya in ay baacsanayaan dadka kasoo horjeeda siyaasadaha taliska Tigreegu hogaanka u hayo ee fadhigiisu yahay Adis Ababa.

Halkan ka degso hadalka Cabdi Ileey ama Hoos Ka Daawo


Related Items