Maleeshiyaadkii ay tababareen ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmooyin katirsan gobolka Bakool ayaa bilaabay in ay isaga firxadaan safka cadawga.
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Towbadkeen ah ay
gaareen degmada Tayeegloow oo qiyaastii 90 KM ujirta magaalada Xudur.
illaa afar askari oo hubkoodu udhanyahay ayaa maanta duhurkii gaaray Tayeegloow
halkaas oo uu kusoo dhoweeyay maamulka islaamiga degmada ee taabacsan Xarakada
Shabaabul Mujaahidiin.
Ciidamada oo watay Afar qori AKM47 ah iyo booshahkooda ayaa hab dhaqan
wanaagsan kala kulmay saraakiisha Al Shabaab, qaar kamid ah ciidamada oo
warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay dhibaatooyin daran kalasoo kulmeen
saldhigyada ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur.
Waxgaradka degmada Tayeegloow oo gacan ka geystay sidii maleeshiyaadkan safka
Itoobiyaanka ugasoo bixi lahaayeen ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii
ciidamo kale usoo goosan lahaayeen, ciidamada towbadkeenay ayaa hubkoodi loo lacageeyay waxayna ballan qaadeen in mar dambe aysan la shaqeyn doonin xabashida.
Ciidamada Itoobiya ee Xudur ku sugan ayaa ku guul darreystay ay hakiyaan
firxadka ay sameynayaan ciidamada Soomaalida kuwaas oo ay ku adkaatay in ay
iska difaacaan weerarada Al Shabaab.
Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii xoogaga Al Shabaab ay weerar khasaara
badan dhaliyay ka fuliyeen deegaanka Teeda oo 30 KM ujira magaalada Xudur.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Ciidamo Kagoostay Degmada Degmada Xudur Oo isku Dhiibay Xarakada Al Shabaab.
Maleeshiyaadkii ay tababareen ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmooyin katirsan gobolka Bakool ayaa bilaabay in ay isaga firxadaan safka cadawga.