Sawirro: Haamo Kiimika Sida oo Kusoo Caariyay Xeebaha Muqdisho.

Thursday June 21, 2018 - 21:49:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Haamo Kiimika Sida oo Kusoo Caariyay Xeebaha Muqdisho.

    Haamo sun xambaarsan oo hor leh ayaa markale kusoo caariyay xeebaha gobolka Banaadir arrinkaas oo cabsi ku abuuray shacabka deggan xeebaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haamo sun xambaarsan oo hor leh ayaa markale kusoo caariyay xeebaha gobolka Banaadir arrinkaas oo cabsi ku abuuray shacabka deggan xeebaha.

Saaka aroortii hore ayay shacabka ku dhaqan Sugunta Liido ee degmada Shibis kusoo tooseen Haamo kusoo caariyay xeebta.

Qaar kamid ah kalluumeysatada xeebta Liido ayaa sheegay in ay arkeen ugu yaraan laba haamood oo dahaaran waxaana loo malaynayaa in hub kiimika ah sidaan.

Dadka ayaa walaac ka muujinaya in haamaha sunta ah ay dilaacaan ay dhibaato ugeystaan kumanaan qof oo kunool dhulka xeebaha ee ku teedsan magaalada Muqdisho.

Hoggaamiye Kooxeedkii Cali Mahdi Maxamed ayaa lagu eedeeyaa in uu dowladda Talyaaniga u saxiixay in badda Soomaaliya ay ku qubto haraadiga warshadaha Kiimikada dowladaha Yurub.





Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items