Madaxweyne Ku Xigeenka Zimbabwe iyo Tira Wasiirro ah Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii Bulawayo.

Sunday June 24, 2018 - 19:24:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Zimbabwe iyo Tira Wasiirro ah Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii Bulawayo.

    Wararka ka imaanayo wadanka Zimbabwe oo kamid ah wadamada dhacaa koofurta qaarada Africa ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Emerson Mnangagw uu si dirqi ah kaga badbaaday isku dil dil oo lala damacsana.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanayo wadanka Zimbabwe oo kamid ah wadamada dhacaa koofurta qaarada Africa ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Emerson Mnangagw uu si dirqi ah kaga badbaaday isku dil dil oo lala damacsana.



Madaxweyne Mnangagwe ayaa xiliga uu ka badbaadayay isku dayga dilka ah ku sugnaa garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala Magaalada Bulawayo oo ah magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Zimbabwe, waxa uuna kula hadlayey kumanaan dad ah oo isugu soo baxay garoonka.

Markii uu dhameystay khudbadii u jeedinayey oo uu damcay in uu ka dhaqaaqo fagaaraha ayaa lala beegsaday Bomb gacmeed lagasoo tuuray meel aan sidaa kaga fogen halkii uu kasoo dhaqaaqay, taas oo ku dhacday meel ujirta wax ka yar hal Mitir oo toos ah.



Video lagu faafiyey baraha internetka oo ay duubeen kooxo saxafiyiin ah oo madaxweynaha la socday ayaa laga arki karaa, isaga oo sii dhaqaaaqaya iyo bambka oo ka imaanaya dhankiisa bidix, ilbiriqsiyo gudahoodna ku qarxaya.

Tiro dad ah oo la socday madaxweyne Mwangagwe oo ay kujiraan ku xigeenadiisa, waziirro dowlada katirsan iyo ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay Bomb gacmeedkan halka tiro kale oo dad ahna ay ku dhinteen.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Zimbabwe ayaa lagu sheegay in Constantino Chiwenga iyo Kembo Mohadi oo kala ah labadiisa madaxweyne ku xigeen iyo waziir dowlada katirsan ay ku dhaawacmeen weerarkii lala damacsana in lagu khaarijiyo, isagoona ku sifeeyey weerarka mid fulaynimo ah.

Manangagwa ayaa sheegay in qaraaxa uu ka dhacay meel dhowr Cent mitr ujirto halkii uu marayey, balse ajashiisa aysan galin, isku dayada noocaan ahna ay yihiin kuwa agtiisa caadi ah oo uu lasoo kulmay marar badan.

Waziirka caafimaadka Zimbabwe oo dhankiisa hadlay ayaa warbaahinta u sheegay in kudhawaad 45 qof ay ku dhaawacmeen weerarkaas qaraxa ahaa, kuwaas oo qaar kamid ah xaaladoooda ay liidato, sidoo kalena ay jiraan dad ku dhintay weerarka oo uusan faafin tiradooda.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa u badnaa masuuliyiin dowlada katirsan, kuwaas oo ka shaqeynayey xafiiska madaxweynaha iyo qaar katirsan gudiga qaabilsan abaabulka doorashada la filayo inay wadankaas ka dhacdo 30ka July ee nagusoo fool leh.


Related Items