Erdogaan Oo Markale Noqday Madaxweynaha Turkiga Kadib Doorashooyinkii Madaxtinimo.

Monday June 25, 2018 - 09:43:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogaan Oo Markale Noqday Madaxweynaha Turkiga Kadib Doorashooyinkii Madaxtinimo.

    Waxaa lasoo gaba gabeeyay tirinta cod bixinta doorashooyinkii madaxtinimo ee ka dhacay wadanka Turkiga ee kaabiga ku haya mandiqadda loo yaqaan Bariga dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Erdogaan ayaa xulufo siyaasadeed la ah Russia iyo Iran
Waxaa lasoo gaba gabeeyay tirinta cod bixinta doorashooyinkii madaxtinimo ee ka dhacay wadanka Turkiga ee kaabiga ku haya mandiqadda loo yaqaan Bariga dhexe.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxtinimada wadankaas ayaa ku dhawaaqay in 53% codadkii ladhiibtay uu ku guuleystay Rajeb Dayid Erdogaan oo ah madaxweynaha Turkiga.

Wakaaladda wararka Al-anaadool ayaa sheegtay in Ninka latartamayay Erdogaan uu helay codadka 28% balse xisbiga isku tagga mucaaradka ayaa helay 32% inkasta oo aysan laheyn musharax si gaar ah ugu tartamayay.

Dabaal degyo ay dhigayaan taageerayaasha Erdogaan ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn sida Istanbul,Anqara iyo Izmiir.


Hoggaamiyaasha wadamada caalamka ayaa dhammaallo hambalya ah udiray Erdogaan guusha uu ka gaaray doorashooyinka madaxtinimada, Ninka guuleystay oo telefeshinka dowladda ka hadlay ayaa shacabka Turkiga uga mahad celiyay sida ay markale dib ugusoo doorteen.

oorashadan madaxtinimo ayaa ayaa imaanaysa waqti xasara siyaasadeed ay lugta lagashay dowladdda Turkiga kadib markii ay ku lug lahaatay dagaalka Suuriya ka holcaya sidoo kale dhaqaalaha Turkiga ayaa hoos uhac ballaaran laga dareemayaa waxaana hoos udhac ballaaran uu ku yimid lacagta maxalliga Liiraha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items