Hanka Abeey Ee Qabsashada Xamar Iyo U Heellanaanta Farmaajo Qore Eng: Cali Xaaji.

Monday June 25, 2018 - 10:05:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hanka Abeey Ee Qabsashada Xamar Iyo U Heellanaanta Farmaajo Qore Eng: Cali Xaaji.

    Ra'iisulwasaaraha Itoobiya Abeey, ma ahan nin ku cusub nidaamka dalkiisa, mana ahan nib dibadda laga keenay oo ay dowlado shisheeye soo korsadeen, balse waxaa soo barbaarsaday qowmiyadda Tigreega oo ay ka dhalatay hooyadii oo Kiristan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisulwasaaraha Itoobiya Abeey, ma ahan nin ku cusub nidaamka dalkiisa, mana ahan nib dibadda laga keenay oo ay dowlado shisheeye soo korsadeen, balse waxaa soo barbaarsaday qowmiyadda Tigreega oo ay ka dhalatay hooyadii oo Kiristan ah.


Dhanka diinta marka la qeexo Abeey, waa "Baqal” ama waa sida Obama oo kale, oo waxaa iska dhalay dad aan isku diin ahayn, Aaabihii wuxuu ahaa Muslim, Hooyadiina Kiristan, sidaa darteed ayuuna qaatay diinta Nasaarada.

Waa 41 jir Jaamici ah, dhanka kalana ah General, muddo aad u dheer kasoo mid ahaa sir-doonka Itoobiya gaar ahaan kuwooda u xil saaran dhanka Soomaaliya, waana midda keeneysa inuu hadafkiisa ugu weyn ka dhigto qabsashada inta ka hartay dalkan muslimka ah.



ABEEY IYO HIILAANA

Markaan arko ninkan islamarkaana an u bandhigo taariikhda Itoobiya waxaan soo xusuusanayaa arrin la yaab leh oo dhacday xilligii uu Itoobiya boqorka ka ahaa ninkii la oran jiray Zar’a Yacquub.

Casri wuxuu ahaa ay tabar darreeyeen mamaaliktii islaamiga ahaa ee ka jiray dhulka geeska Afrika intiisa badan sida:- Cadal, Hdiya, Harar, Shawa iyo kuwa lamidka ah ee ay maanta Xabashidu inaga heysato.

Badi hogaamiyaashii boqortooyada islaamiga ee Zeylac ayaa waxay noqdeen daba dhilifyo lamid ah madaxda maamul goboleedyada maanta jira, waxaana dhacday in lagu soo rogo in mid kasta inuu Inantiisa u geeyo Boqorka iyadoo waliba lasoo gaaleysiiyay.

Hogaamiyihii Hadiya, ayaa gabadhiisii uu dhalay u gacan galiyay boqorkii Xabashida Zar’a Yacquub, taasoo aad loo dulleystay loona bixiyay magaca ah Hiilaana.

Muhiimadda uu hadalkeyga ku wajahan yahay ayaa ah in gabadhan ay ku milantay qoyska Boqorka muddo kadibna la wareegtay awooda siyaasadeed ee boqortooyadii Xabashida, waxaana dhacday halkii ay dadka qaar ka filayeen mooyaane iney meel kale ka baxdo.

Waxay gummaad aad u daran u geysatay muslimiinta oo ah dadkii ay markii hore ka dhalatay, waliba waxay u kaashatay gaalo caalami ah sida:- Bortoqiiska, iyadoo xad gudubyadeeda iska wadatay illaa ay awoodii Imaam Axmad Gurey dhulka ku baahdo, Xabashidana la baro Hilibka qeyriinka.

Haddaba dadka muslimka ahaan jiray ee gaalooba ama uu waalidkoodu ahaa, ayaa waxay taariikhdu meelo badan inaga bareysaa iney yihiin kuwa ka cadaawad badan gaalada dhaladka ah. Abeeyna, waa sida Hiilaana oo kale marka la eego dhaqdhaqaaqyadiisa iyo hadallada afkiisa kasoo baxaya.
قوله تعالى : ياأيها الذين آمنوا لا تتخذوا بطانة من دونكم لا يألونكم خبالا ودوا ما عنتم قد بدت البغضاء من أفواههم وما تخفي صدورهم أكبر قد بينا لكم الآيات إن كنتم تعقلون

Allaah, subxaanahu watacaalaa, isagoo inooga digaya gaalada dhagartooda ayaa waxa uu inagu amray ineynaan la taliyaal iyo wadaay ka dhigan, sababtana wuxuu inoogu qeexay ineysan marnaba ka gaabineyn fasaadkeena islamarkaana jecel yihiin dhibkeena, carada ay inoo qabaanna ay afafkooda kasoo muuqanayso, laakin waxay laabahooda inoogu qarinayaan ay kasii weyn yihiin.

Hadalka Abeey, uu ku sheegay inuu Soomaaliya ku biirinayo Itoobiya iyo inuu Muqdisho qabsanayo, waxaa kasii weyn waxa uu damacsan yahay ee uu laabta ku qarinayo, wuxuuna doonayaa inuu hiigsado Himilo dheer.

Qofkii u baahan qisada Hiillaana oo faahfaahsan iyo kuwa laba, wuxuu ka heli karaa barnaamijka "Dhulkii awooweyaasheen yaa soo dhicin doona” oo aan bishii Ramadaan kala socda idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ama kutubka taariikhda ee ka hadlaya loollanka Muslimiinta iyo Nasaarada geeska Afrika.

HEELANAANTA FARMAAJO!.

Xawaaraha sare ee uu ku socdo hanka Abeey, ayaa waxaa u sabab ah inuu maanta Madaxtooyada fadhiyo Bilaash Xeyte Farmaajo, oo si aan caadi ahayn ugu heellan Xabashida, kaasoo mar qura Afar dekedood u saxiixay.

Ugu dambeyntii, anigoo ka qalin daaranaya taariikhda fog ee inaga dhaxaysa annaga iyo Itoobiya, ayaa waxaan ummada Soomaaliyeed u sheegayaa iney ogaadaan in dhammaan imaaradihii ay inaga qabsatay Xabashida aaney ku qaadan awoodeeda, balse ay u gacan galiyeen rag sida:- bilaash xeyte Farmaajo oo kale ah, waxaana idin leeyahay hurdada ka kacaay, hana noqonina kuwa boqol jeer god laga qaniino, halka uu Nabiga صلي الله عليه وسلم uu inoo sheegay inaan Mu’min laba goor god laga qaniinin.

Qore: Eng: Cali Xaaji

Related Items