Farmaajo Oo Siyaab leh Uga Hadlay Arrimaha Waddaniyadda iyo Gummeysiga.

Tuesday June 26, 2018 - 10:37:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Siyaab leh Uga Hadlay Arrimaha Waddaniyadda iyo Gummeysiga.

    Dowladda Federaalka ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayay 58 guuradii kasoo wareegtay markii gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya ay xuriyadda ka qaateen gummeystihii ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayay 58 guuradii kasoo wareegtay markii gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya ay xuriyadda ka qaateen gummeystihii ingiriiska.

Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah hoggaamiyaha DF-ka ayaa khudbad ka jeediyay munaasabaddii lagu xusayay maalinta xuriyadda gobollada waqooyi mar uu ka hadlayay wadaniyadda ayuu sheegay in ay tahay waxa kaliya ee lagu mideyn karo Soomaali!.

Farmaajo ayaa khudbadiisa ku sheegay in Soomaalidu wadaniyadda ka xishoon jirtay ama ka baqi jirtay hal sano iyo bar ka hor taas oo macnaheedu yahay in markii uu xilka qabtay uu xoojiyay wadaniyadda!.

"Hal Sano iyo bar ka hor wax wadaniyad ka hadlayay waa yaraayeen, waa laga baqayayā€¯ ayuu yiri Farmaajo.


Mar uu soo hadal qaaday arrimaha gummeysiga ayuu ku baaqay in markale aan dalka gummeysi lagelin isagoo shacabka Soomaaliyeed isaga dhigayay Nin wadani ah islamarkaana meesha ka saarayay in isagu uu dalka gummeysi geliyay.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in tan iyo markii uu Farmaajo xilka qabtay uu sii adkeeyay gummeysigii shisheeye ee uu dalku horay ugu jiray wuxuu dowladda Itoobiya siiyay illaa iyo afar dekadood oo Soomaaliya leedahay islamarkaana Kenya u saxiixay heshiisyo halis sii gelinaya madax banaanida dalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items